Qaylo laga maqlay burburka buundada Genoa Ee Wadanka Talyaaniga oo Shalay Duntay.

Kooxaha gurmadka ayaa xalay oo dhan ku dadaalayay sidii ay dad nool uga soo saari lahaayeen buundadii shalay ku burburtay magaalada Genoa ee dalka Talyaaniga.

Buundada ku burburtay Genoa

Ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhinteen, hasayeeshee waxaa la saadaalinayaa inay sare u kici karto tirada dhimashada.

Booliska ayaa sheegaya inay ku rajo weyn yihiin inay heli doonnaan dad nool oo ku hoos jira burburka.

Kooxaha gurmadka ayaa isku dayaya inay dad nool kasoo saaraan gawaadhida iyo burburka kale ee ka dhashay buundada duntay.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in la maqlayay cabaadka dadka ku hoos xayiran burburka.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaysa in khubarada dhismaha ay mar hore ku taliyeen in isbedel ballaadhan lagu sameeyo buundada Morandi.

Wasiirka gaadiidka ee Talyaaniga, Danilo Toninelli, ayaa sheegay in musiibadda ka dhacday Genoa ay muujinayso sida ay u liitaan dhismayaasha asaasiga ah ee dalkiisa.

Dhibaatadan ayaa indhaha shacabka Talyaaniga kusoo jeedinaysa xukuumadda wadaaga ah ee haysa talada dalkaasi, taasoo ballanqaaday inay kordhin doonto dhaqaalaha ku baxa dhismayaasha asaasiga ah.

Mashaariic badan oo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Talyaaniga ayaa waxaa hadheeyay musuq maasuq iyo ku lug lahaanshaha kooxaha Maafiyada ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker