Ma filaysaan in la aqbalo xashka kuwan dhaqanka ka dhigtay musuqa, qaraaba-kiilka?

Intay Xashka Tagtay Ayay Xajarul-aswadkii Arki Weyday!

Waxay ahayd gabadh kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay Masar, kana hawl-gasha cusbitaal weyn. Dhanka kalena waxay la shaqayn jirtay dad falka adeegsada. Sida la weriyayna dadka geeriyooda ayay falka afka ugu ridi jirtay si uu dhulka hoose ugu aasmo oo aan loo furin. Inkasta oo ay sidaas gurracan fali jirtay, sannad walba waxay tegi jirtay xaramka barakaysan si ay denbiga isaga maydho.

 

Maalintii dambe ayay doontay in ay fal afka ugu riddo meydka nin wadaad/sheekh/aw ah oo allaystay. Iyaba waa la-yaabe dhawr jeer ayuu soo tufay falkii. Markii dambe waxay jeexday jidhkiisa, intay falkii dhex gelisayayay ku toshay sidii baana lagu xabaalay.

 

Gabadhi waxay gu’gii u socdaashay Maka, iyada oo dawaaftay gurigii xurmada lahaa. Ayaan-darradeeda iyada oo kacbada joogta ayay xajarul-aswadkii arki weyday. Dadkay weydiisaa “mee dhagaxii madoobaa” “sawdigan ag jooga” ayaa loogu war-celiyaa. Wax kasta oo kale way aragtaa, laakiin xajarul-aswadka daah iyo dabool baa laga saaray, waana abaal-marinta cuqubada ay sida badheedhka ah ugu kici jirtay.

 

Markii si rasmi loo ogaaday in ay belaayo dul hoganayso ayaa loo geeyay culimo, waxaanay ku waaniyeen in ay Ilaahay u noqoto (toobbad keento). Markii ay si niyad iyo rasmi ah u joojisay duudsigii dhaqanka ahaa ayayaragtay xajarul-aswadkii daboolka laga saaray.

 

Nin jaalkay ah ayuu markuu arko qof sannad walba xashka taga odhan jiray “tolow ninkaa hebel muxuu xashka ka doonaa sannad walba, ma xajarul-aswadka ayaanu arag”. Ma filaysaan in la aqbalo xashka kuwan dhaqanka ka dhigtay musuqa, qaraaba-kiilka, curdin-dhadhinta, sheeko kiniisadda, isku-dirka IWM? Xashku waa goob cibaado,

Siciid Maxamuud Gahayr 2017

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker