Gobolka Illinois ee dalka Maraykanka oo dacwaynaya dhisme uu leeyahay madaxwayne Trump.

Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Illinois ee dalka Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogaya huteelka Trump International Hotel & Tower ee magaalada Chicago, isaga oo loo haysto in uu jabinayo xeerarkii deegaanka.

Trump

Dacwadda Lisa Madigan ayaa sheegaysa in dhismahaasi uu malaayiin litir oo biyo ah ka dhaansado wabiga Chicago River isla markaasna uu dib ugu soo celiyo isaga oon haysanin ruqsadihii arrintaas muhiimka u ahaa.

Arrintaas waxaa kale oo dheer in huteelku uusan daraasad ku samaynin waxa ay arrintaasi uga dhigan tahay kaluunka wabiga ku nool, sida uu dhigayo sharciga ayay tiri.

Shirkadda Trump ayaa sheegtay in dacwaddan ay siyaasadaysan tahay.

Email ay soo bandhigtay wakaaladda wararka ee Reuters ayay Janet Isabelli oo ah afhayeenka shirkadda ku sheegtay in ay ka “xumaato” dacwadda Madison ay soo gudbisay, “waxyaabahaas oo kalena badanaa maamul ahaan lagu dhameeyo”.

“Waa arrin in ay siyaasadaysan tahay uu qofku ku soo gunaanadi karo.”

Lisa Madigan

Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Illinois Lisa Madigan ayaa dacwadda gaysay maxkamadda deegaanka Cook Talaadadii.

Waxay xubin ka tahay xisbiga Dimuqraadiga waxayna gobolka Xeer Ilaaliye Guud ka tahay tan iyo 2003.

Dacwada ayaa lagu sheegay in huteelku uu ka dhaansado wabiga 75 milyan oo litir oo biyo ah maalin walba, isaga oo u adeegsada qalabka hawada lagu nadiifiyo iyo kuwa hawada lagu qaboojiyo ama dhismaha mid diiran lagaga dhigo.

Qalabkaas ayaa noolaha biyaha ku jira dabi kara marka la adeegsanayo, sida dacwadda ku qoran, sharciga faderaalkuna wuxuu qabaa in daraasadda marka hore la adeegsado inta aan qalabkaas lagu isticmaalin biyaha wabiga Chicago.

Waxaa lagu eedeeyay in Trump Tower uusan maamulka u soo bandhigin natiijadii daraasaadka uu sameeyay 2013, sida uu sharcigu dhigayo.

Intaas waxaa dheer in huteelku uu u baahan yahay in uu helo ruqsad uu biyaha kulul ee uu soo isticmaalay dib ugu celin karo wabiga, taas oo ka dhacday bishii August ee sannadkii hore 2017kii.

“Trump Tower ayaa sii waday in uu malaayiin galaan oo biyo ka isticmaalo wabiga Chikago maalin walba isagoon ruqsad haysanin, isla markaasna aan eegaynin saamaynta uu ku yeelanayo wabiga,” ayay tiri Madigan oo war qoraal ah soo saaray.

“Dacwadda ayaan geeyay si aan u xaqiijiyo in huteelka Trump Tower uu sii wado meel uga dhaca sharciga”.

Eric Trump (bidix) iyo Donald Trump Jr

Inkastoo labo wiil oo uu dhalay Trump ay sii wadaan ganacsiga tan iyo markii uu xilka qabtay, haddana madaxweynuhu wuxuu wali leeyahay sheerarka shirkadda Trump Organization.

Waxaa jira dacwooyin kale oo ka dhan ah ganacsigiisa oo uu ku jiro Trump International Hotel, waxaana lagu eedeeyay in lahaanshaha ganacsiga ee madaxweynaha in ay meel uga dhacayso dastuurka Maraykanka.

Xigasho:- BBC Somali News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker