Dugsiyadii Waxbarashadda Degmadda Ceel-Afweyn Oo Dib u Furmay

Ceel-Afweyn (OWN)-  Guddoomiyaha degmadda Ceel Afweyn, Cabdirixiin Yuusuf Axmed, ayaa rajo fiican ka muujiyay in ay dib u furmaan dugsiyadii waxbarashadda ee degmadaasi oo muddo xidhnaa, colaaddii beelaha u dhaxaysay awgeed.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in todobaadkan ay dib waxbarashadii u bilaabayaan dugsiyadaasi waxbarasho oo ku kala yaalla degaamadda Darar-weyne, Fadhigaab iyo kuwo kale oo hoos yimaada tuulooyinkaas.

 

Cabdiraxiin Yuusuf Axmed,   isaga oo arrimahaas ka hadlayay waxa uu yidhi “Dhawaan waxaanu rejo weyn ka qabnaa in ay dib u bilaabanto waxbarashadii dugsiyadda dawladda ee ay ardaydu wax ka dhigan jireen ee degmadda Ceel Afweyn iyo degaamadda hoos yimaadda.

 

Iyaga oo goobaha kale ee waxbarasho dib loo furay 11-bishan, dugsiyaddan xidhan ayaa ah kuwo intooada badan uu sabab u ahaa xidhitaankoodu shaqaaqadii labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmartay degmadan Ceel Afweyn.

 

Dib u heshiisiinta labada beelood waxay keentay in ay wax badan oo adeegyada bulshada ah dib u soo noqdaan oo ay kow ka tahay waxbarashadu. Iyada oo ubad badani ay ku waxbarasho waayeen intii ay colaadu kala dhex tiilay labada beelood”.

 

Geesta kale gudoomiyaha degmadda Ceel Afweyn waxa kale oo uu sheegay in wixii ka danbeeyay heshiiskii la kala dhex dhigay beelaha in uu dib u bilaabmay isku socodkii bulshadda sida ganacsiga iyo dhul daaqsinta.

Image result for ceel afweyn

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker