Daad-madheedh Gobol Ay Xukuumadu Curyaamisey

Gobolka daad madheedh oo ah gobolka labaad ee ugu Balaadhan Dalka Somaliland lehna Khayraad badan oo dabiiciya ha ugu horeyso khayraadka Xoolaha nool iyo sidoo kale Dhul Beereedka uu Hodanka ku yahay Gobolkaasi, iyadoo ay bulshada Gobolkaasi Haystaan Khayraadka Kala Duwan ee aynu soo Sheegnay, Ayaa Hadana Gobolkaasi ka Mid noqdey Gobolada ugu Hooseeya Dhanka Horumarka, iyadoo loo Aaneynayo Maamul Xumada Baahsan ee Hadheysay Hobolkaa. Gobolka Daadmadheedh oo uu Gudoomiye ka Yahay Axmed Diiriye Cabdilaahi Ayaa Wakhtigan Kaalinta koowaad ka Galay dib u Dhaca Gobolada Somaliland. Waxaana Gabi Ahaanba Gabaabsi Noqdey Baahiyihii Aasaasiga Ahaa ee bulshadu u Baahneyd. iyadoo haba yaratee aaney Jirinba hal Wax qabad oo uu Gudoomiye Axmed Diiriye ka Gaystey Gobolkaasi Mudadii uu Hayey Xilka Gudoomiyenimo oo AHayd Wakhti Aad u Badan. Markhaad Booqato Deegaamada Gobolkaas Ayaad Arkeysaa Xaaladaha Dhabta Ah iyo Dayacnaanta Baahsan ee ka Muuqata Xafiisyada iyo Deegaamada uu Masuulka ka Yahay Gudomiye Axmed Diiriye, Waxaaney Bulshada Gobolkaasi Kuu Sheegayaan in Gobolkaasi Yahay Mid la Hagradey oo Aaney Daacad u ahayn Xukuumadihii kala Dambeeyey ee Dalka somalaliland, Waxaana Xusid Mudan Inaanu Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh Xil iska Saarin inuu u Shaqeeyo Gobolka Laakiin uu Yahay Macag u Yaal Mushahar ku Qaata Xilkaa uu ugu Magacaaban Yahay Gobolka. Markaad la Sheekeysato Bulshada Gobolkaa Gaar ahaan Magaalo Madaxdiisa Oodweyne Waxay Badankoodu kuu Sheegayaan Inaaney Aqooninba Masuulka Ugu sareeya Gobolka iyo Halku Magaalada ka Dagan Yahay Maadaama uu Hoygiisa iyo xafiiskiisuba ku Yaalaan Magaalada hargeysa .

 

Saxafi- Nazer kayd

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker