WAXAA DADWEYNAHA U CAD CIDDA SHIRKADAHA ISKU QORAY ADEEGYADII XUKUUMADDA INAY MADAXDII XUKUUMADDA WADA YIHIIN.

Waa qaran dumintii adduunyada u foosha xumayd markay caddaatay in Xukuumaddii iyo wadanka faqiirka ah maalkiisii ay isu BEDESHAY shirkad ay madaxtooyadii hore iyo wasiiraddii Gadar u leeyihiin ee wadankii iyo qasnaddii Dawladda waxba looga tegin, Sicir bararkaa la geliyey wadanka iyo qabaail iska horkeena iyo baarlamaanka lacag u qaybintii aan qarsoonayn iyo guurtidii dhaxaltooyada loo bedelay.

Imika waa in la soo bandhigaa mulkiilayaasha kala leh Shirkadaha gaara loo leeyahay hadday noqdaan madaxtooyadii iyo wasiiraddii iyo xaasaskoodii iyo walaalohood waxaa in maxkamad da la wada geeyaa, wadanka xoolihiina a qasnadda Dawladda lagu celiyaa iyo Mandheera loo wada diraa.
MADAXWEYNAHA maanta joogaa iska wadi karo Dawlad iyo wadan dad xoolihiisii la wareegeen iyo wax walba isu saxeexay markay xafiiska joogeen, askartii wadanku a jiidda hore ku dhima ayaan gaajo iyadoon xabadii Puntland ba ku dhicin.
WAA ceeb in been dadka lagu maaweeliyaa waqti badan investement kasoo naasa cad Abu Dabai ma jiro. Waxay soo waddaa ma muuqdaan. Bashe Awil markuu hadlayo isagoo safiir kii Imaaraadka sheeganaya u fiirsada weligii kelmadda ANIGA MA ISTICMAALAYO WUXUU ISTICMAALAYO KELMADDA ANAGU WAXAANU GARABTAAGANNAY MADAXWEYNAHA AAN U SOO DHISNAY. Hadalkaa waxa ku dhex jiraa waa caddaan waana Muusaw hawlaha yaga ha ka daba iman weeye. Odayguna inaanuu hadlin berri horuu goostay, laakiin Ilaahayba wuu ka hadlin doonaa.
Gebagebadu waa shirikaadka adeeggii Dawladda la wareegay waa in mulkiilayaashooda DADWEYNAHA loo soo bandhigaa.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker