Siilaanyaa yaabay

Dhaqane iyo dhaashane

dhalin weeye magaallo

.dhaqankoodu mid maaha .

Dhaliil la iskama qaato .

DHafoor taabasho weeye .

Dhibtana la iskuma eego.

daily way kaftamaan .

Hadana la isma dhegaysto.

Dhoohanaad tahay waalan

iyo adaa dhoocil ka liita

warkoodaa ku dhamaadee .

Kaalayoo bal dhegeyso.

 

 

Dhaqane:Waar kaalay ma hadaa hantidii dhamayd ee waddanka laba nin ku qorteen?

Dhaashane;Waar adeero wax fahma .sow ma ogidin inaan la ina aqoonsanayn?sidee rabtaan inaynu aduunka ula macaamilo hadaa wax walba ka qaylisaan?

Dhaqane;Oo kaalay show musuqii aa lahaydeen waanu la dagaalamaynaa waa u dagaalamayseen.walee maan khaldanayn markaa idhi;Siilaanyaa yaabay.

Dhaashane:Oo maxaad aragtay?

Dhaqane:nin baa maalin dhaweyd sheeko aan la yaabay iiga sheekeeyey.Wuxuu yidhi,niman odayaal ah baa agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta u shaxaad tegay.Wuxuu ku ydhi,odayaal wax ma idiin sheegaa ?Aniga laba nin baa wasaarada iiga sareeya .waa wasiirka iyo wasiir ku xigeenka .

Wasiirku lacagta xayeysiiyada ayuu cunaa .wasiir ku xigeenkuna lacagta ogaysiiyada ayuu cunaa .Anigu lacagta tacsiyadaha ayuubaan cunaa .sida darteed meesha waxba kuma hayee markaa maqashaan dhawr nin oo madax ah oo dhintay oo la tacsiyadaynayo ii kaalaya.

Nimankiibaa intay is eegeen yidhi,waar meesha inaga keena.Adeer ta xabaala qodkana ku darsoo maca salaama.

Dhaashane;waar horta miyaad waalantay mise waad soo wadataa?

Dhaqane:Car adaa miyir qabee suaal fudud maku waydiiyaa?

Dhaashane:Tu adag keen hadaad rabto.

Dhaqane:Shaadhka markaad gashanayso ma gacanta midig baad horaysiisaa mise ta bidix?

Dhaashane:Ban iyo kir.

 

 

Waa qalinkii:Baxnaan xaaj

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker