Qisadan isku day in aad fahamto (Cabdi iyo tukaankii uu ka dhaqayn jiray)

Waxaan lahaa tukaan, tukaanka sidii aan u aasaasay iyo taarikhdiisu waxay ahayd mid dheer oo marxalado badan soo martay. Bilawgii waxa aan fadhiisan jiray meel gidaar ah, gidaarka waxa aan ku iibin jiray shay kali ah, shay labaad kama ganacsan karayn, sababtoo ah ma aan heli karayn lacag ii goysa. Waxa aan iibin jiray  loos, looska laftiisu ma ahayn mid badan, marka uu ugu bato laba galaan ama kiiloo ayuu gaadhi jiray.
Muddo kadib waan yara kordhiyay ilaa afar kiiloo aan maalintii iibiyo. Waxaan awooday in aan ganacsigayga shay labaad ku kordhiyo, shayga labaad ee aan soo biiriyay wuxuu noqday istiig sigaar ah oo shan maalmood igaga dhamaanjiray. Sigaarkii iyo looskii way iskaashadeen, macaamiil waanaagsana way yeesheen, mar sadexaad waxaan ku hamiyay in aan birikay (leetar) sigaarka lagu shito keeno. Arinkaasina fikir wanaagsan ayuu noqday, talaabadii xigtay sharaab iyo biyo ayaan miiska yar ee looxa aan gacantayda ku kakabay ka samaysan soo dul dhigay. Ma ahayn sharaab badan, wuxuuse ahaa bilaw fiican.
Markii xigtay waxay awoodu ii saamaxday in aan waxyaaba yaryar oo kale meheradii ku soo kordhiyo; sida shiraabaado, cidiyagur, muuraayado, baytariyo, buskudo, tooshash, iyo qaar alaabo kale oo ay dadku iibsashadooda u baahan yihiin.
Ugu dambayn waxan go,aansaday in aan guri dhisto si aan bacadka, dabaysha iyo roobkaba uga raysto.
Waxba yaanan hadal kugu daaline, markii tukaankii waynaaday waxaan u baahday cid ila shaqaysa, waxaan helay wiil Cabdi la yidhaa oo meel baadiye ah ka yimid.
Cabdi aad ayay ugu adkayd hawsha tukaanku, dhibaatada ugu wayni waxay ka haysatay garashada alaabta macaamiishu waydiinayso, qiimahooda iyo qorista daynta maadaama uu jaahil ahaa aan waxna qorin waxna akhriyin. Markii dambe cabdi waa uu laqabsaday shaqadii, waxaa uu ahaa nin jujuubasho badaan oo dadka wuxuu rabo jiidhsiiya. Cabdi intii uu meheradda ii hayay lama aan  xisaabtami jirin, mudo 15 sano ku dhaw ayuu marna gacan-yare ka ahaa marna isagu masuul ka ahaa.
Mudadaa  badan ee uu meherada ka shaynayay macaamiisha ayaa kacaban jirtay. Waxay odhan jireen waa nin dhaqanxun oo dadka dhiba.
Dhawaan ayay cabashadoodii aad ubadatay.
Waxaan go,aamsaday in aan tukaankygii cid kale u dhiibto, markii arintaa uu ogaaday cabdi tukaankii maalin ayuu dab qabadsiiyay, xiliga uu meherada gubayay aniguna waan ku dhex jiray, dusha ayuu caagad baadrool ah kaga rusheeyay, kabriidna wuu qabadsiiyay, dirqi iyo faracaaradood ayaan lafahayga kaga badbaaday, daaqada ayaan naf xarbigii xoog ku jabiyay oo aan ka booday, aniga iyo meheraduba in aan isla gubano ayuu cabdi rabay.
Meheraddii saacado gudohood ayay ku basbeeshay.
Dabkii uu cabdi qabadsiiyay tukaanka alaabtii taalay irbadi kama badbaadin, Dabdamismkiina goor damasku tuulmay ayuu soo dul joogsaday.
Markii dabkii bakhtiyay ayaan dambaskii baadhbaadhay, bal in aan shay fayaw oo aanu dabku gaadhin ugu tago.
Nasiib wanaag qasnadii oo dabka ka badbaaday ayaan helay. Markii aan qasnadii furay waxoogaa lacag ah oo aan badnayn ayaan ka helay.
Lacagtii ayaan cooshad(tukaan) yar ku furtay, tukaankii waynaa mar hadii aan waayay, dantu waxay ibaday in aan halganka dib u bilaabo. meheradda cusubi waxay u baahantahay cid iiga shaqaysa. Cabdi waxa uu ahaa nin shaqa wanaagsan oo dadaal badan, cid sidiisii u shaaaysa hadiii aan raadiyo mahelayo. Waa in aan cabdigii tukaankaygii hore ii haynjiray raadsadaa oo aan u yeedhaa. Hadii aan cabdi keeni waayo meheradani ma dhaqaaqayso, arinkaasi waan hubaa. Cabdi iigu yeedha hadiì uu i yeelo ha iishaqeeyo e. Meherada isaga ayaan doonayaa in aan ku wareejigo.
Mouse Abdirahman

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker