DABINADA SHIINAHA IYO JABUUTI vs MUUSE BIIXI

Iyada oo isbeddel xawli ku socdaa ay ka dhacayaan geeska Afrika, ayaa waxa muuqata dabino loo qoolayo sidii loo minjo xaabin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka gaar ahaan DP World.  Dabinadaa waxa si wadajiar u wada Dalwaada Jabouti iyo China oo isbedelada ka dhacaya geeska Afrika ay saamayn taban ku yeesheen.  Waa arrin cid waliba ogtahay in heshiiskii dhowaan ay Eriteriya iyo Ethiopia gaadheen uu ahaa mid culays badan oo diblomaasiyadeed uu geliyey Marakaynku halka Imaardka Carabtuna ay hanti badan ku bixineen sidii uu heshiiskaasi u meel mari lahaa. Waanay ka midho dhaliyeen.  Laba ujeeddo oo waaweyn ayaa heshiikaa laga lahaa.  Waa mida hore, iyadoo tartan dhinca dhaqaalaha ahi ka dhexeeyo Shiinaha iyo Maraykanka, gaar ahaana Afrika gudaheeda, ayay dawladda Jabuti u fuduaysay China inay xarun ganacsiga xorta ah (free zone) iyo saldhig milatri oo lag dul keenay kii hore Marakyku halkaa ugu lahaa laga yagleeleay Jabouti.  Taasi waxy si caduga hor timi danihii Maraykanka. Ta labaad, is ka hor imaad xoggan oo ka dhex qaraxay Jabouti iyo DP Wiolrd oo gaadhay heer ay maxakamado caalami ah isla galaan ayaa keentay colaad aad u fool adagi dhexmarto Imaaradka iyo Jabouti. Labada ujeedo ee ugu weyn ee heshiiska Ereteriya iyo Ethiopia laga leeyahay waa in Shiinaha iyo damciisa la fashiliyo iyo in Jabouti shafka dhulka loo dhigo.  Waxaynu aragnaa in Ethiopia iyo  Somalyaba iyagoo danahooda eegnaya ay dhabarka u jeediyeen Jabouti lana safteen Ereterya oo dagaal ka dhexeyo, labadubana ku dhawaaqeen in Ereiya cunqabtaynta laga qaado, inkasto dadka arrinmahan faalleeyaa leeyihiin mowqaifka Somaliya isagu waa jar iska tuur aqoon yari iyo waayo aragnimo la’aan hagayso.

Marka laga reebo dekedaha Casab iyo Musawac ee Ereteriya, khatarta ugu weyni waxay qorshaha China iyo Jabouti kaga soo socotaa dekedda Berbera.  Dhowaan ayay ahayd markii DP World sheegtay inay gudaha Ethiopia ka furayso meel alaabta dekedda Berbera ka timaada ee u socota Ethiopia iyo dalalka kale lagu kaydiyo.  Waxa kale oo iyana qorshaha ku jirta furintaanka Berbera free zone.  Haddi labadaasi sida loogu talo galay u hirgalaan waxay laf jab ku noqonaysaa suuqa uu Shiinuhu dhowaan ka furay Jabouti.

Jabouti iyo China, sida la filan karo, ilayn iska  fadhiyi maayaane, aya dhinacooda u soo tafaxaytay sidii ay Somaliland iyo Imaaraadka isugu dhufan lahaayeen.  Waxa maalintii shalay, 12ka August, 2018, heshiis kula sexeexday mid ka mid ah wasiirada aan khibarada badan lahayn ee qaabilsan maalgashiga, Bank laga leeyahay dalka shiinaha . Heshiiskaas oo lagu sheegay in baanka Shiinahu uu Somaliland gelin doono lacag dhan hal billion oo dollar.  Isagoo arrintaa ka haldlaya, ayaa  wasiirka da’da iyo khibrada yari sheegay in dalka laga dhisayo hudheelo waaweyn oo five star ah iyo jidad iyo jaamacado.  Dalkana laga dhigayo meel cagaaran oo lagu dhaqo ugaadha si dalxiisayaal badan oo shiina ahi u yimaadaan. Waa heshiish muaamaradaysan oo wasiirkeenu iska rumaystay. .

 Laakiin madaxweyne Biixi isagu ma yahay nin muaamaradaan dhagaraysan garan kara kana hortegi kara.  Madaxweynaha waxan odhan lahaa marka hore jooji qaramanytan (nationalisation) aad bilowday,  Waa la soo dhaafay xilliyadii dawladuhu gacanta ku hayn jireen ganacsiga iyo wax soorkaba, waxa la marayaa xillig ganacsiga gaarka ahi (private sector) uu hoggaamiyo horumarka.  Waxa hadda iib ah Ethiopian Airlines oo ilaa intii la saasay todobaatan sano ka hor gacanta dawladda ku jirtay. Xilli arrini halkaa marasyo may ahayn inaad dib u noqoto ood tiidhaaho gacanta dawladda ayaan ku soo celinyaa shaqo private sectorku qabanayo.  Waxaad madaxweyne iyana ka noqoataa mashruuca lacagata badani ku baxayso ee ay banka Wajaale ka waddo hayda keydka qaranku ee ay beeraha ku qodaynso si ay keyd qaran u soo saarto – waa goorma xilli aad leedahay dawladbaa beero qodanaysa. Taa beddelakeeda u fududee beeralayda yar yar inay wax soo saarkooda kordhiyaan, si dawldu uga iibsato oo keyd qaran loo sameeyo, waaba haddii baahidaasi jirtee.

Madaxweyne iska ilaali inaad ku dhacdo dabinka China iyo Jabuoti kuu dhigayaan hana taataaban heshiikii DP World adigoo eegaya danta  guud ee Somaliland iyo shacabkeeda, hana ka farxin cadowga Somaliland. Ka feker damaashaadka iyo fantasiyaha ka dhacaya Garowe, Muqdisho iyo Jabouti maalinta aad heshiika DP World baabiiso.

Ugu damabyn Madaxweyne badi la taliyeyaashada oo ha ku koobin agaasimaha guud ee madaxtooyada oo u muuqda nin aan aragti dheer lahayn arrinkiisuna ku kooban “mid inaga ah”, doon dad leh aragti qaran.  Odayaasha hawl gabka ah ee aad la tashanaysana ku badhax dad aragti casri ah leh oo dunidu halka ay maanta marayso la jaan qaadi kara.

 

 

 

Somaliland Ha jirto oo ha joogto.

Abokor Baruud

baruda2006@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker