Wadamada Reer Yurub oo Indhaha ka Laabanaysa Muhaajiriinta.

Koox gurmadka qaabilsan oo reer Yurub ah ayaa sheegtay in muhaajiriin ku xannibnaa badda Mediterraneanku ay u sheegeen in 5 markab ay iyaga iska dhaafeen oo diideen inay caawiyaan, ilaa markii kooxdani ay ugu dambeyn soo badbaadisay maalintii Jimcihii.

Aloys Vimard oo ka tirsan ururka SOS Mediterranne ayaa Axaddii shalay sheegay in ay khatar ku jiraa mabaadi’dii lagu kaalmeynayey qof dhibaato ku jira. Waxa u intaas ku daray in siyaasadaha muhaajriinta lagaga niyad jabinayo inay Yurub yimaaddan ay keenayaan dhibaato badan safaro khatar leh oo dad markoodii horeba xaalado xun xun ku jiray ay Yurub u soo galayaan.

Vimard ayaa sheegay in maraakiibtu ay dadkan uga tagayaan iyaga oo ka baqaya in loo diido inay ku xirtaan xeebaha dalalkaas marka ay dadkani maraakiibtaas saaran yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker