Musuqii iyo Maroorkii Maxamuud Xaashi Cabdi: Qormada 3aad. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

Qormadan saddexaad waxa aynu ku faaqidi doonnaa unkitaankii ganacsiyada gaarka ah, ee uu Maxamuud Xaashi ka sameeyay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, oo uu madax ka ahaa 2010-2015. Waxa uu ahaa masuulkii xaraashay xarunta wasaaraddiisa, walaw qandaraaska iibka la baahiyay, haddana waxa is-weydiin leh: Miyaa ay isu dhigmaan lacagta lagu iibiyay xaruntii wasaaradda duulista iyo dhaqaalaha ku baxay dhiska cusub ee wasaaradda duulistu?

 

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu madaarka Cigaal ee Hargeysa ka sameeyay shirkado uu saami ku leeyahay, taas oo uu bil walba kaga xisaabtamo dhaqaale lagu qiyaasay $100,000 (boqol kun oo doollar). Inkasta oo ay Haayadda Duullimaadyada Somaliland isku dayday in ay tallaabo ka qaaddo shirkadahan, ama ay gacanta qaranka ku soo celiso adeegyada lagu xuluulaysto, weli lama fulin fal rasmi ah. Dhuuntii ayuu sidii u nuugayaa, tuunbadii boolida daacaysayna afka ayuu kula jiraa.

 

Hanti-dhawrka qarankuna waxa uu bilawgii xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi baadhitaan ku sameeyay qaar ka mid ah shirkadahan loo gacan-geliyay adeegyada qaranka, iyada oo aan la baahin tartan furan, heshiiskooda la shaacin, qandaraasna la shaacin ee dhabarka la taabtay, ma se muuqato wax natiijo ah oo laga gaadhay gelelefkoodu.

 

Waxaana ganacsiyadaas ka mid ah:

1. Security Risk Management (SRM): Waa shirkadda gacanta ku haysa kamaradaha nabadgelyada iyo qalabka wax lagu baaadho ee Madaarka Cigaal. Iyada oo aan maalgelin samayn ayaa si kooto ah loogu wareejiyay agabkii dawliga ahaa. Shaqaale u gaar ah oo ay leedahay ayaa dibadyaal ka dhigay, oo barabixiyay hawl-wadeennadii u diiwaan-gashanaa ee qaadan jiray mushaharka dawladda. Haddii uu fal amni-darro ka dhaco madaarka, ma xukuumadda ayaa qaadaysa mise shirkaddan wadnaha iyo halbawlaha loo gacan-geliyay?

 

2. Delta: waa shirkadda biraha ka samaysay albaabka madaarka, waxa ay gaadhi walba ka qaaddaa ugu yaraan $1. Cashuurtani waxa ay ku dhacdaa jeeb gooni ah oo ay wada leeyihiin Maxamuud Xaashi Cabdi iyo ganacsade la sheegay in uu dalka keenay agabkan lagu urursado adduunka. Si xooggan ayaa loo ilaaliyay xogta iyo magaca ganacsadaha saamiga la leh Maxamuud Xaashi, keliya waxa aannu bawsannay in uu ka soo jeedo Gobolka Saaxil. Waxa uu mulkiile ka yahay barxadda gawaadhida la dhigto ee gegada (Airport parking)

 

3. Wakiilnimada Diyaaradaha: Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu wakiil toos ah ama mid dadban ka yahay laba ka mid diyaaradaha caalamiga ah ee ka soo dega madaarka Cigaal. Ma masuul buu ahaa mise Ganacsade? Bal yaa FlyDubai uga wakiil ah Somaliland?

 

4. Korontada SOMPOWER: Kaddib markii uu ku fashilmay in uu nalka madaarka ka dhigo mid habeen iyo maalinba daaran, ee ay halis galeen diyaaradihii habeenka iman jiray madaarku, waxa uu shirkad gooni ah gacanta u geliyay korontada. Guud ahaanna adeegga dhoofka ee gabbal-dhacu waxa uu joogsaday bilawgii xil-hayntiisa.

 

Ganacsiyada naas-nuujinta ah ee uu Maxamuud Xaashi Cabdi ka hirgeliyay madaarka Cigaal ee Hargeysa waxa ka mid ah:
1. Macradka Shaybe: Waxa leh xigtadii madaxweynaha hore, oo ay ka soo jeedaan cuqaasha ardaagu.

2. China Horn Group: Waa shirkaddii dhistay dhabbaha madaarka Cigaal, sidoo kalena waxa loo saxeexay casriyaynta dhabbaha gegada Burco. Shirkaddani waxa ay ku shaqaysataa dhul dan guud ah oo laga qaaday dad shacab ah, isla markaana lagu kordhiyay madaarka Cigaal. Waxa si rasmi u leh Ganacsade Cabdirisaaq Cummaani oo sannadkan 2018ka magaalada Burco loogu caleema-saaray in uu noqdo Suldaanka beesha Aaden-Madoobe ee Bariga Burco.

 

Qiiqa ka baxa dhagax-shiidka Cummaani ee Madaarku waxa uu waxyeello u geystay caafimaadka iyo nolosha dad badan oo ku nool Maxamed Mooge. Qoysas door ah ayaa ka bara-kacay guryahoodii, kaddib markii ay u adkaysan waayeen boodhka, uurada, habaaska iyo ceeryaanta ka soo baxda dhagax-shiidka. Dadka deegaanku waxa ay ka tashanayaan sidii ay maxkamad ula tiigsan lahaayeen ninkan ku macaashay dhiiggii ummadda. Walaw uu Maxamuud Xaashi ballan-qaaday in dhagax-shiidka la rarayo dhismaha madaarka, illaa 2013ka ayuu ka sii furan yahay madaarka Cigaal.

 

Hal-abuur ka hadlaya shirkaddaas ayaa yidhi:

Isagoo afkii deyshay buu, dhiig dafirayaaye
Dusduskii Madaarkiyo findhicil, daammur lagu qooshay
“Waa dacaayad” baa lagu kaftamay, duulis faashiliye
Eeggana dariiqyada arliga, daanno lagu soorye
Dillaalow gabyaa aamusnaa, waa dalayn jigire
CHINA HORN dubaalado gankeed, dawlis ugu dheere
“Soo daaddah, dibaddiina baro, doobbiyada fuuqso”
Ayaxyada dawaafiyo ma-naxe, deegantii cune’e
Dameerkuba hallayntuu u jaqo, dooddu way garane

 

3. Hudheelka Cusub: Waxa qof shacab ka qaaday lacag dhan laba milyan oo doollar, isaga oo u fasaxay in uu hudheel gaar ah ka dhisto xayndaabka Madaarka Cigaal ee Hargeysa. Qandaraaskan waxa loo saxeexay si gacan-bidixayn ah isaga oo aan lagu tartamin.

4. Adeegga Internetka: Waxa uu adeegga internetka Madaarka Cigaal u xidhay shirkad gooni ah. Cidda ka dhooftay madaarka ayaa ila aragtay. Weydiiya Maxamuud Xaashi.

5. Bar-xisaabeedyada gaarka ah: Dhaqaalihii ay maamuli jirtay Wasaaradda Duulistu ee laga qaadi jiray dhoofeyaasha iyo soo-degayaasha, waxa lagu shubaa bar-xisaabeedyo gooni ah oo aan ahayn xarumaha dawliga ah.

6. Kirada Qolka VIP: Qolkii mudanka gaarka ah (VIP) ee Madaarka Cigaal waxa laga kireeyay shirkado gooni ah. Keliya waxa la banneeyaa ama ay xukuumaddu maamushaa, maalinta ay dhoofayaan ama ay soo-degayaan madaxda qaranku. Waxa laga kireeyay masuuliyiinta shirkadda loo dhiibay maamulka nabadgelyada madaarka.

7. Isku-dayga gooni-siinta Tagaasida: Waxa labada cisho ee Khamiista iyo Jimcaha loo xidhay adeegga tagaasida madaarka shirkad gaar ah. Markii hore in keligeed kooto loogu xidho ayaa la rabay, iskaashatada AYAAN oo madaarka ka hawlgasha ayaa se ka dagaallantay.

Isku soo wada duub oo dakharrada maamul ee ay xukuumadda Muuse la wareegtay, gaar ahaanna boogaha muuqda ee uu horseedka u ahaa Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, waa kuwo baahan in la dhayo. Qalloocyadani waa nabarrada bogsiinta ka sugaya Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa.

La soco qaybta afraad idanka Eebbe..

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker