SV: GABAY KALA MAAN iyo tixdii oo dhamays tiran iyo qisaday ku soo baxday

ACW war baahinta aadbaan u salaamayaa salaan ka dib
halkan waxaan ku soo gudbin doonaa TIX GABAY AH oo
magaceeda la yidhaahdo KALA MAAN tixdanu waxay ku
timi safar ayaanu ugu baxanay magaalo kale aniga iyo rag
kale sheegadii safarka ee faraha badan ee hadba dhinac
layskaga looho waxay mar nala gashay maxbuus 41 sana
dood ku xidhnaa dalka itoobiya maxbuuskaas oo lagu
qabtay siday wararku sheegayeen dagaalkii dawlada soo
maaliya, iyo itoobiya dhex maray 1977 asgarina lagu shee
gay ina uu ahaa maxbuuska la qabtay oo macagiisana lagu
sheegay CRAXMAAN AW JIRIIL BALDOON waxaan gabayga
ku soo hal qabsanayaa bilowgiisaba labadii nin ee sheeka
da golaha keenay oo magacyadoodu kala yihiin MAXAMED
IBRAAHIN MUXUMED laguna naanayso SUMCADA iyo
CKARIIN XAAJI MUXUMED ku darsoo laba ninba dhalasho
ahaan waxay ka soo jeedaan gobolka gabiilay oo waa isku
magaloo CRAXMAAN AW JIRIIL BAHDOON tixdina waxay tidhi

—————————————————————————-

safarkaynu maalintii maxamed yar socdaalaynay

soo noqoshadeenii adaa seexday oo ladaye

anigu waan ka saahiday hurdiyo khuuro sahalkeede

su,aal maanka iga taabatuu soo celcelinaayay

samictuna dhagtay maqal intaan dunidan soo daaqay

sodon saniyo toban saayidaa loogu saakimaye

maxbuus galaya sooyaal iyo sugida taariikhda

alan baqiyo seel uu nasiib jeel silsiladeeyay

qiso aan safaad gayin midii dhalisay suugaantan

qiyaasteedd sirr iyo caadd  sifaan soo bandhigayaaye

sidaan anigu goob joog ahaa waan sawirayaaye

cabdi kariin siduu yidhi iyana waa ugu simayaaye

bal dhagayso sumcadoow tixdaan siinka ka higaadsho

———————————————————————–

calankii sitiinkii xornimo nayla siinaayay

labadii la saanyaday qorshaha saami kala raacye

dhismaa horeba seeskii xunbaan sari ku taagnaane

inkastuu saluugina halkaa maanta sababeeyay

sadex maqana balankaa ku jiray soo midnimadoode

shantaa sahanka loo wada ahaa idilka soomaale

siyaasaduna waa noocyo badan loo sardamayaaye

waxaan mooge sadaalin karin subaxba weeyaan

sooma jeeste qiiraysanbay so, u atilmaantaaye

isna dhawrr siyaabood siyaad tiisi lagu sheegye

qofba siduu u haystana dadkaan cidi ka saaraynn

si kastana sax iyo qaladd haysku seegeeneene

isa sudhante dawladii afrika ugu sandheereye

dagaal dagallka salabeeyayoo saymalaa dhacaye

saban-sabanki saamee gayiga sabada geeskeene

miladari sarkaal iyo dablaha saajin iyo boolis

xeer ay kala saxeexdaan sharcay wada samaystaane

waxa ciidan loo sii hab, bari saad, danbuu mudane

amarrbaa la siyaa intoo siidhi loo tumo,e

saqda dhex kamaan daw hadii sawd la maqashiiyo

saqle orodka waa kuwii ku gala goob saraaye, ahe

ragba sabi yar waa wada ahaa saynn cadaadiguye

aniguna saqiirrnimo dhacdadan sii xasuusaniye

————————————————————–

halkaan uga socdaabaan murtidan toos u sarayaaye

wax la yidhi sabaankaa markii laysku seef qaatay

sawjarr daacad dirirrtaa ku baxay magaca soomaali

siddrigiisa maankiyo qalbiga saxarr u hoosaynin

sidaa kuna dhufays galay  halkiyo soonihii faranta

sinta dhigay ateerada godkiyo seeska kii adage

rag colaadd xun isa seegaybaa male la suurayne

qofna saamaxaad ma leh  wakhtigay saalbo dhacaysaaye

ninba wuxuu sameyana colkii wuu ku saakimiye

garab casiyo karaa mardhiyo surumihii xaadow

cirka sariyo salaays dusheed samadu qiiqowday

cabdi iyo safkiisoo markaa seerarr gaylamaya

soona jiida marinkii hawaas calanka saaraaya

oo sugaaya guushay heleen sacab garaaceeda

salaan dheerna dharkigii la jabay siibashana taaday

sansaankana sidii guray sifaha loo sawiray muuqdo

amxaarr bari samaadkaa darbaa saacidoo u baxaye

goortay xulufo gacan siisaybay kor u sitaaceene

wax soomaali waagaa ahayd gacan sareeyiiye

balo salagg leh looma taag heliyo saawasaawaha,e

wax sinbiidho keeniyo wixii sababay mooyaane

siyaasaduhu waakuwii is rogay saacad ,dabadeede

cabdi aagu seeruhu ku jiray lagu siq goobtiiye

isna kuuba waa lagu saliday saancadii qabane

alanbiqo seel iyo ku ride sibidhyo hoostiiye

gacmaa sil-silad waa loogu xidhay seeto, oo kale,e

xornimada sadkeed wayn adoo suuq iskaa maraye

dhulka lagu saqaafiyo hawada samada guudgeeda

sadex noloshu ma huraan u tahay caadba laga saarye

sagall iyo iftiin iyo caceed muu sabaan aragg

————————————————————————-

sindhidh wuxuu la boodiyo wuxuu sakatiyuu khoofay

wuxuu salall la toosiyo wuxuu sii sal-salay qaylo

wuxuu suluska laylkii wuxuu jiif sin dhigis diiday

wuxuu soogg istaagiyo wuxuu sare u joog doortay

safradd wuxuu ka door biday wuxuu soor u garan waayay

wuxuu soomall haadiyo wuxuu oon surmiyay gaajo

wuxuu dacar hulaaqmiyo wuxuu mililo saaqmaayay

sakaraadd wuxuu galay wuxuu suuxdin dhiman gaadhay

saxariirr wuxuu maray wuxuu silic maryaadaayay

wuxuu shay xun suus nacay wuxuu uga sariigg booday

wuxuu maan saluugiyo wuxuu ciil sardamay hiif leh

awgii wuxuu sokeeyana wuxuu sawyo xidhan jiidhay

suryo wuxuu ka daydayay wuxuu surin tolkii jeexay

war-war wuxuu, u saynn go,ay wuxuu yaab sarkacay xaajo

wuxuu saar naftii yidhi wuxuu huug la sudho raadsahay

wuxuu suganyay goortuu fikiray wuxuu samaa yeelye

wuxuu camalka saalaxa wuxuu oog u kacay suuban

salaadd wuxuu niyaystiyo wuxuu badan sujuudaayay

qiyaas wuxuu suxuurtiyo wuxuu male ku soomaayay

subcis wuxuu quraankiyo wuxuu soo akhiyay suuradd

wuxuu sidaa ahaatana wakhtigu waa wax kala soocye

———————————————————————

sadaalaha aduunkaan iyana eebe yoom simine

sulla iyo gadaall iyo hadadan saacan aan joogno

sucdigiyo nuxuuskiyo ximruhu mee sal dhigi waaye

hadba falaga saxall meerayaa subaxba waa cayne

siniqsiga sidii diin nafsina soo habeen dhixiye

duul siyaado dheeraad qabaa sabanku taabtaaye

iyaduba sakaaradu is tidhi saaladeedd qariye

kala saydhay suubaanta iyo ciida siigada,e

balse saani way muuqataa saan yar digadeede

socon wayday been iyo waxay suuqa galiyeene

shayba sixirrka uu,iibsamuu sayladii jariye

sabadii maqaaliyo rugdood saamigood hele,e

laga saydh tikrayguna waxay sadoba haysteene

haday oromo sahall moodayeen kicisay suunaam,e

hubaal maanta taashkii saray maxada saarteene

cabdigii ka saahiday ifkana waa la saamaxay

haybtii soo bandhigidii dadkuna wuu ka saacidaye

abiyaa sakootiyay xabsina maca salaameeye

siisawbuu filayee hamarre gurada loo saarye

taraag saacad mood qudha cabdina suuq dhex marintiiye

sodii dhalashadiisii ku yimi socod gabiilaye

waran iyo salaan iyo markii sadar la waydiiyo

wuxuu yidhi sufuudhaha madaxa timahan ii soohan

ayaa sida su,aaha waxaad iga sugaysaane

naftu igama siib bixin dhulkana seel yarr ku lahaaye

dadkii safarka aakhiro baxay tayda simanyiine

wixii saymo aan maray hadana ruuxdu ii sudhane

taan ku seegay xaygana ahaydd qarankan soomaale

war i siiya idinkaa sugnaa duni siraadnayde

iyadoon sill-siladd wixii dhacayba sooyaalka

cidi aan xog badan siin ayaa loo sarbeeb dhigaye

sunaa bidixna waa loo jabshoo loo sanqadiyeeye

wax la yidhina soomaali wayn saaka taladeeda

siday tidhaa itoobiya ayaa lagu sar gooyaaye

siyaad barena waatii la riday qaatay seeftuna

dawladiina sarifbaa ku dhacay shilin sidiisiiye

qoys kastaa astaan siday jibada saararr loo tumo,e

soksokaagan geedkaad fadhido  seeskan dhinacaagan

sadex midable calanka ahee samayda loo joojay

ayaa saami aan leenahoo teenanan guud sudhane

sumadeedu waa gooni, iyo laanta soomaale

afka gacanta saarana la yidhi oo la soco xaalka

wayeel hadallka waa loo sara saafan dabadeede

isaguna sareexada rayiga sheeg siduu qabaye

wuxuu yidhi sidii hore aniga magac soomaali

siisanmaayo qorshaad wataan saatifnimadeede

sawgii haro garduurr hawdd halkiyo sugumo iyo doolo

soonihii hawaas iyo jigjiga seerihii herarrba

enefdhii sawaaxil dhulkuu saanyatuu qaatay

sabadii jabuutiyo bal-bala cali sabiix guudka

sadexdii maqnaan jiray is idhi waar siyaad qabaye

sareediyo iyo barwaaqiyo waxaan sadaba qoondeeyay

barray siday niyaysiyo bilaall soo ban dhigistiisa

isa seegii labadaa helee maan sidiqi waayay

salsalwayaya male waxaan suura galahayne

suurad taan ku haystiyo sidani waaba kala haabe

ka siqsiqayna soomaali iyo sabankay joogtaaye

awalbaanse siiq aan ahaa xidid sudhnaa,uune

warkan aad i siiseen qalbiga sii saliillyeeye

moogii ,i sed roonaa kobtiyo sakaradaydiiye

seeshii jeelki waa dhaami layde dhaban shan saarkaye

saban-saban ka soo hadhay wadkana saadirbaa qoro,e

wax la hubana seefbaa la qiri malagg la seegayne

samirrna waan aqaanaa wax badan saymo soo maraye

ictiraafna idinkaa dhur sugi muuse soo sido,e

nin aaminay sumxaanbaa rabigu sare u qaadaaye

intaan saxayo tawxiidka, een lay sin dhigin iilka

meel uun sali yar waab ii dhigaay suubanaa jira,e

sadarna kii dar-daarana hadaan hadal ku saan gooyo

hana quusan  soomaaliyeey guul samii, imane

—————————————————————-

—————————————————————–

tixdan soofka aan geeyayayeen siinka ka higaadshay

ana gabaygu yuu sibqine waxaan ku sameelay

kolay sabankan maantii wax badan dunida saameeye

sir ma qabena eebaa ku filan waana sahankiiye

ninka hadimo sii qoda godd dheer inuu ku siibtaana

subax noolba waa ay dhacdaa loo arkaa sahalle

duul kastoo sakalo xidha dibay sahayandoontaaye

sababtaana weeyaan waxay rag isu seegaane

dirirrtana sideedaba hadii laysku seef qaato

qoomkii kibirka sanka taagabaa lagu sadqeeyaaye

saanad qaraxday saalbada rasaas geeri loo simane

sidii gacanlow maansada ku yidhi waa run saafiyahe

baadil looma seexdiyo dulmiga lagu surr gooyaaye

fii sabiililaahidu ku sugan suuradaa qorane

idinkana siniinbaa gunimo idin dul saarrnayde

balse wuu ku saaciday wakhtiga,aad- dhur sugayseene

oromooy sixiiniyo waxaad qalad samaysaanba

taariikhda sooyaal hadhow soo diwaan galine

sadex dibi tabtoodaa iyana loo sasabayaaye

mar is idhi sun lagu muday ayaa saaqday gabigoode

suuxdintay la jiiftana ka wacan sare u tooskeede

ka sal dhawri soomaalidaad sabo wadaagtaana

—————————————————————-

CURIYE ISMAACII IRAAHIN XASAN ISMAACIIL

IBRAAHIN YARE facbook ismaaciil faaliye

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker