Madaxweyne Farmaajo oo Xilkii Ka Xayuubiyey Lix Garsoore, Qaar Kalena Magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo ayaa shaqada ka cayriyay lix garsoore oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka isagoo kuwaas badalkoodana magacaabay shan garsoore oo cusub.

 

Garsoorayaasha shaqada laga Xayuubiyay waxay kala yihiin:

1:Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

2:Maxamed Maxamuud Maxamed.

3:Maxamuud Axmed Faarax.

4:Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

5:Cabdinaasir Seeraar Axmed.

6:Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Dhinaca kale isla wareegtada xilka looga qaaday garsoorayaashan waxa uu madaxweyne farmaajo ku magacaabay illaa shan garsoore oo cusub oo kamid noqonaya maxkamadda sare ee dalka kuwaas oo kala ah;

1Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

2:Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

3:Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

4:Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

5:Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tallaabadan uu qaaday waxa loo arkaa mid uu ku doonayo inuu dib u habayn ballaaran uu ku sameeyo hay’adaha garsoorka ee dalka Soomaaliya isagoo dhawaantan magacaabay gudoomiyaha maxkamadda sare.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker