Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo noqon kara qof Ajnabi ah !

Xukuumadda Soomaaliya ayaa raadineysa guddoomiye cusub oo uu yeesho Bankiga dhexe ee Soomaaliya, kaddib xayiiysiin ku soo baxday Wargeyska todobaadlaha ah ee ka faalooda arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ee The Economist.

 

Guddoomiyaha xiligan ee Bankiga dhexe Bashiir Ciise ayaa la filayaa in bisha November uu ka baxo shaqada Bankiga, taasoo keentay xukuumadu soo bandhigto xayiiysiinta loogu tartamayo gudoomiyaha Bankiga.

 

Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya raadineyso qof ku haboon shaqadan isaga oo yiri’’ Waxaan rabnaa in aan qorano qof ku haboon shaqadan, haddii ay yihiin Soomaali ama aan Soomaali ahayn [Anjabi]” ayuu yiri Wasiirka.

 

‘’Dawladdee-nu waxay ku boorineysaa dhammaan musharraxiinta u qalma in ay codsadaan Jagadan, guddoomiyaha ku guuleysta ayaa gacan ka gaysan doona isbedelka mustaqbalka Soomaaliya’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 

Laakiin haddana dhinaca kale marka la eego hadalka ka soo yeeray Wasiirka ayaa u muuqda mid baal-marsan dastuurka dalka oo qodobkiisa 12aad uu dhigayo in xilka gudoonka Bankiga dhexe uu qaban karo oo kaliya qof Soomaali ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker