Golaha Dhexe ee xisbiga Deegaanka Soomaalida ka arrimiyo oo Addis Ababa tagay

In kabadan 40 xubnood oo ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itooba ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen xubno ka tirsan golahaas.

 

Xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa Addis Ababa oo looga yeeray.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii faderaalku uu la tagay madaxweynihii hore ee deegaanka oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa.

 

Waxaa la xaqiijiyay in aysan la soconin Golaha dhexe saddex xubnood oo labo ka mid ah la sheegay in looga maarmi waayay in ay hawlaha dawladda sii kala wadaan.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa saaka dagan waxaana la filayaa in ay noloshu si deedii tartiib tartiib ugu soo noqoto.

 

Ma cadda waxa ka soo bixi doona kulanka ay magaalada Addis ku yeelanayaan Golaha dhexe ee XDSHSI iyo dawladda faderaalka, dadka arrimahan ka faaloodase waxay sheegayaan in ay u badan tahay in ismariwaaga lagu soo afjari doono.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker