Garyaqan Abdiraxman Ubaxle oo Gudiga dabagalka Hantida Qaranka ku dhaliilay inay wado khaldan u mareen eedaymaha musuqmasuq ee ay soo jediyeen.

Waxa ayaamahan aynu arkaynay Gudiga dabagalka Hantida Qaranka ee Baarlamanka Somaliland oo Musuqmasuq iyo hanti qaran oo la lunsaday ku eedeeyey Xubno ka mida Xukuumadii Kulmiye ee uu Madaxweynaha ka ahaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo.
Hadaba aniga oo aan maraba difaacayn hadii ay jirto hanti qaran oo la lunsaday taageerayana in sharciga la marsiiyo Masuul kasta oo ay ku cadaato lunsiga hantida umada taagta daran ee lagu aaminay, waxan halkan ku cadaynayaa in Gudigaasi ay wado khaldan u mareen eedaymaha ay soo bandhigeen oo ay baal mareen habkii sharciga waafaqsanaa ee ay ku soo gudbin lahayeen, anigoo aaminsan in ayna daacad ka ahayn in ay dabagal ku sameeyaan hantida qaranka ee qorshohodu ahaa eedayn shakhsiyaad gaara, hadii ay daacad ka yihiin waxay u soo gudbin lahayeen sidan.
1. Miisaniyada Qaranku waa in ka badan 50 Head ama konton madax, gudigu waxay si gaara ula bexeen 3 madax taasi waxay ina tusaysaa in qorshohodu uu ahaa eedaynta Shakhsiyad gaara ( personal attack) waayo hadii ay rabaan dabagalka Hantida Qaranka si dhamaystiran ayey u wada baadhi lahaayeen.
2. Marka ay gudigani badhitankoda dhameystan sharciga iyo nidamka dalku wuxu farayaa in ay golaha Baarlamanka soo hor dhigaan cadaymaha lunsiga hantida qaranka ee ay heleen.
3. Golaha Baarlamanka waa inuu la hubiyaa cadaymaha ay gudigu keenen iyo cida ku eedaysan isla markaana la isla waafoqo in lunsigani uu jiro.
4. Marka Baarlamanku isla ogolaado in ay eedaysanayaashu lunsadeen hanti qaran waxa loo gudbinayaa hayadaha sharci ee u xilsaaran inay eedaysanayaasha dacwad ku oogaan si loo marsiiyo ciqaabta ay mutaysteen.
5. Badhitanada ku saabsan musuqmasuq iyo lunsi hanti qaran waa kuwo si qarsoodi ah loo wado ilaa iyo inta eedaysanaha lagu hor keenayo maxkamad ku rida xukunka eedaysanaha ee maaha wax si yar oo sahlan saxafad looga yidhahdo.
Gudiga dabagalka Hantida Qaranku xaq uma laha in ay qof masuul ah eedayn iyo denbi u xambariyaan ee waa in ay u maraan habkaas sharciga ah hadii ay daacad ka yihiin waxa ay baadhayaan balse iminka waxay u ekaadeen kuwo ujeedo gaara ka lahaa eedaha ay saxaafada ka sheegeen, hadii si sahlan la isu eedeyo arintiina halkaa dhaafi weydo oo ay noqoto wax ayaamo lagu yooyootamo cid loo ciqaabayna la arki waayo waxay sahlaysaa lunsiga hantida umada oo la caadeysto.
Waxaa xusid mudan in Gudiga dabagalka Hantida Qaranku ay saxaafada u soo bandhigi karaan hadii ay hayaan wax cad oo ay u gudbiyeen hayadihii ku shaqada lahaa ka dibna waxba laga qaban waayey markaa ayey xaq u leeyihiin in ay shacabka u soo bandhigan masuulka xaqooda lunsaday ee hayadihii cadaalada ee denbigiisa ku xukumi lahaa waxba uga qaban waayeen.
Wa bilaahi towfiiq
Garyaqan Abdiraxman Ali Ubaxle
Hargeysa
Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker