Garsoore Maraykan Ah Oo Amray in hooyo iyo gabadheeda la tarxiilay dib loogu soo celiyo Maraykanka

Garsoore ku sugan dalka Maraykanka ayaa amray in hooyo iyo gabadheeda dib loogu soo celiyo Maraykanka, kuwaad oo la tarxiilay xilli weli ay socotay dhagaysiga racfaan ay ka qaateen dacwad ka dhan ah oo dalka looga saarayay.

Labadan qof ayaa waxaa matalayay hay’adda ACLU ee xuquuqda aadanaha u dooda, kuwaas oo sheegay in labadan dumar ah ay kasoo carareen xaalado adag oo xadgudubyo galmo ah oo ay ku wajahayeen dalkii ay ka yimaadeen.

Garsooraha ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax aanan la aqbali karin in la tarxiilay iyada oo uu racfaankooda socdo.

Xaakimka ayaa sidoo kale sheegay in xeer illaaliyaha guud Jeff Sessions loo qabsan karo dacwad la xiriirta amar diido go’aan maxkamadeed.

Jess ayaa bishii June wax ka badalay sharciga soogalootiga Maraykanka, waxaana qodobada uu wax ka badalay ka mid ah in dadka dhibbanayaasha u ah xadgudubyada galmada aysan u qalmin in la siiyo magangalyo.

 

Reerkan go’aanka laga gaaray ayaa loo tarxiilay dalka El Salvador ka hor intii aanan dacwadooda magangalyo doonimada la dhamaystirin.

Sargaal ka tirsan wasaaradda amniga gudaha ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay tixgalinayaan amarka maxkamadda, soona celinayaan qoyskii la tarxiilay.

@ BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker