XOG-TIBAAX: Qorshaha Xukuumadda ee Xeerka Saxaafadda oo xalaalnimadiisa laga dardaar-warinayo iyo Xaaladda Warbaahinta Somaliland (DAAWO MUUQAAL)

Hargeysa (OWN)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa ka warramay halka uu marayo Mashruuca wax ka beddelka iyo kaabista loogu samaynayo Xeerka ansaxa ah ee Saxaafadda Somaliland, kaas oo dhawaanahanba ay SOLJA iyo Wasaaradda Warfaafinta oo Ururrada Bulshada iyo Aqoonyahanno Shuruucda ku xeel-dheer kaashanayaa wadeen, Saxaafadda qaarkeedna walaac ka muujiyeen xilligan.

Arrinkaas Xeerka, Qorshaha Xukuumadda ee laga cabsida qabo, halka uu hadda marayo, Doorka iyo Difaaca SOLJA, khilaafkii u dambeeyey ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Warbaahinta qaarkeed oo wada-shaqayntii ay la lahaayeen Madaxtooyada joojiyey halkuu marayo, wadahadal Xukuumadda iyo dhinacyo Saxaafadda ka mid ah dhex-maray, doorka SOLJA ku leedahay xalka khilaafkaas iyo guud ahaan Xaaladda Saxaafadda Somaliland wakhtigan ku sugantay-ba waxa uu kaga warramay Barnaamijka Xog-tibaax oo ka baxa SOMNEWSTV, kaas oo uu soo saaro Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal.

Barnaamijkaas oo uu su’aalo door ah kaga jawaabay Guddoomiyaha URURKA SOLJA, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Xogtiisa xiisaha leh, Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan:-

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker