Musuqii iyo Maroorkii Maxamuud Xaashi Cabdi: Qaybta 2aad. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr.

Milicsiga Guryaha iyo hantida gaarka ah Ee Maxamuud Xaashi Cabdi

Intii uu Maxamuud Xaashi ahaa Wasiirka wasaaradda Duulista, waxa uu lacag dhan $700,000 (toddoba boqol kun oo doollar) ku iibsaday guri ku yaalla Xaafadda Shacabka ee Hargeysa, oo uu lahaa Jaamac Saalax-Gaab oo Wasiirka Madaxtooyada ka noqday Xukuumaddii Cigaal. Jaamac Saalax-Gaab waxa uu ka soo jeedaa qoyska abtiga u ah Maxamuud Xaashi Cabdi, waana guri ka ballaadhan dhammaan xarumaha caafimaadka Hargeysa ee dawliga ah.

Waa aqalkii uu dabku qabsaday maalmihii ka dambeeyay doorashada Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay 13kii Nof 2017ka. Waxa farta lagu go’daa in uu ka lacag badan ka dheefay mashruucii dhismaha madaarrada Hargeysa iyo Berbera ee ay Kuweyd maalgelisay iyo macdan uu si xeerka baalmarsan uga dhoofin jiray madaarka Cigaal.

Dawladda Ingiriiska oo uu carrigeeda ku joogay qaxoontinnimo (2004-2010) ayaa sida la weriyay waxa ay ka yaabtay bar-xisaabeedkiisa dhawrka gu’ ku buuxsamay. Waxa lagu yidhi “Waxa aad ahayd soo-galeeti aannu lacag xannaano ah siinno, dhawr sanno gudahood ayaad ku heshay lacag malaayiin ah, xaggee ayuu kaa soo galay dhaqaalahaasi?”. Waxa ay ogaadeen in uu wasiir ka yahay dal aan aqsoonsan oo Geeska Afrika ku yaalla, iyaga oo dhaaday in musuq iyo lunsi ku fadhataystay qarankiisa. Sidaas awgeedna, beesha caalamka ee wax u fiirsataa waxa ay ku dareen liiska dadka ugu musuqa badan Afrika.

Engineer Cali Xoorxoor waxa sannadkii 2016ka uu maareeyihii ka dambeeyay ee Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, uu ku wareejiyay lacag dhan afar milyan oo doollar, kuwaas oo loo qoondeeyay in taagga maraakiibta lagu soo iibiyo. Iyada oo aan agabkaas la keenin ayuu Axmed Yuusuf Dirir xilka wareejiyay, lacagtaasina kuma jirin hantida uu caddeeyay halka ay ku baxday ama waxa lagu qabtay, ama uu wareejiyay.

Haddaba yaa dalqada dhigay? Wararka aanu helnay waxa ay caddeeyeen in uu afka u dhigtay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ku baanaya ka-ag-dhawaantii Madaxweyaha Somaliland. Waa xisaab kale oo if iyo aakhiro mid uun lagu weydiin doono booli-quutaha ay duunyadaasi ku baxday. Ugub maaha in la arko nin digreeto ku magacaaban oo maamulaya nin kale oo digreeto lagu xulay.. Maxaa Wasiirkii Biyaha Md Baashe Cali Jaamac loo caydhiyay?

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu leexiyay lacag malaayiin doollar ah oo loo qoondeeyay in mag-dhaw looga dhigo dadkii uu dhulkooda madaarku ku ballaadhay. “Waxa aanu lacagtii gaadiid, agab iyo hub ugu iibinnay ciidanka qaranka” ayuu qiil ka dhigtay, isaga oo dadkaas ku saydhay wax fara-guudkood ah ama qiimaha dhismihii ku yaallay dhulka uu taarka ku wareejiyay.

Sidoo kale waxa uu Maxamuud Xaashi Cabdi gacanta ku hayaa dhismaha guri qasri ah oo uga socda xaafadda Masallaha ee Hargeysa, kaas oo ka kooban shan dabaq (mid hoose iyo afar sare) oo isa saaran. Wararku waxa ay sheegayaan in la hakiyay dhismaha gurigan kaddib markii lagu arkay gariir iyo dillaac aan la aqoonsan sababtooda, sidoo kalena waxa habeennada iyo xilliyada qaarkood laga maqlay shanqadh iyo jabaq aan la garan karin waxa samaynaya. Waar dee maxaan ka sheegaa guryo uu ninkani dhistay, dhallaankiisii baa laga yaabayba!

Wararka kale ee la xidhiidha Musuqa Maxamuud Xaashi waxa ay sheegayaan in uu guri qiimihiisu ku dhaw yahay hal milyan oo doollar ka iibsaday magaalada Birnigiham ee Carriga Ingiriiska, sidoo kalena waxa uu iibsaday dhismeyaal ku yaalla faras-magaalaha Hargeysa. Xogaha hoose waxa ay tibaaxayaan in uu saami ku leeyahay shirkadda soo-dejisa sharaabka iyo taydha ee Al-Ikhwa oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa.

Dabagalka lagu sameeyay saamiyada dahsoon ee Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa ay tibaaxayaan in mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee Isgaadhsiinta Somaliland uu ku dirqiyay in ay siiyaan saami ku kacaya malaayiin doollar, taasina waxa ay ahayd xilliyadii ay xukuumaddii Siilaanyo soo saartay amarradii qorshahoodu ahaa xakamaynta sicir-bararka oo culays gooni ah saarayay adeegyada ZAAD iyo E-dahab ama lacagta moobillada la isugu diro.

Maxamuud Xaahi Cabdi waxa uu 2015-2017 maamulayay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, isaga oo gacanta ku hayay biyo-ballaadhinta caasimadda. Marar badan ayaynu aragnay isaga oo dhuumo iyo dhagax meel dhigaya. Markii uu xilka wareejiyay waxa gebi ahaanba fashilmay biyo-ballaadhintii uu maamulka ka ahaa. Lama oga meesha lagu shubtay malaayiinkii doollar ee qandaraaska loo qoondeeyay. Lama helin warqad xisaab-xidh ah iyo warqad caddaysa hannaankii hawsha loo waday.

Gu’yaalkii 2016-2017 waxa Somaliland ka dhacay abaaro baahsan. Xukuumaddu waxa ay magacdaw Guddiga Heerka Qaran ee Abaaraha. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo u madax ahaa kaddib waxa udub-dhexaad u ahaa Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi. Anigu waxa aan ogaa iyadoo raashinkii abaaraha ee gobollada qaarkood qiime jaban lagaga iibiyo Hargeysa. Weliba rag ka ag dhawaa nin wasiir ah ayaa xaraashi jiray.

Iska daa in aan ka iibsado’e, beerka ayaa i holci jiray kolka aan arko. Bal ummadda tabaalaysan ee Guddida looga dhigay Maxamuud Xaashi ka warrama? Fule xantii ma mooga, wuxuu odhan jiray “Waa nala caayaa. Waa nala wanjalaa, ma damqanno. Waanu iska gaadiidnay. Waxaan leeyahay culimada xaq dhawra”, isaga oo ku gabbanaya in guddida culimo ku jirtay. “Sheekh intaas keen”, sidii loo lahaa ayaa magaca laga dilay rag badan. Miyuu wadaadku diidi karaa madaxda “ulul-amriga”?

Maye booyadihii loo qoondeeyay abaaruhu?

Mayee gaadiidkii gurmadka abaaruhu?

Mee dhaqaalihii ka-soo-kabashada abaaruhu?

Mee xisaab-xidhkii guddida abaaruhu?

Tuulo iyo degmo walba waxa taakulayn jiray tol, qurbe-joog, haayado Islaam ahi iyo sama-faleyaal is xilqaamay. Lacagtaas guddida abaaraha iyo wixii uu Maxamuud Xaashi ka helayna Ilaahay baa innaga og. Lunsigoodu waa kii dhalayay in ay reer Burco ragga buurbuuran u bixiyaan “Guddida Abaaraha”.

Bal aynu eegno warbaahinta iyo qoraalladii ay ka samaysay guryaha uu Maxamuud Xaashi Cabdi iibsaday:

http://www.gobanimonews.com/wasiirka-duulista-somaliland-oo-1370000-dollar-siistay-laba-guri-sawiro/

Wasiirka Duulista Somaliland oo $1,370,000 Dollar siistay laba Guri + Sawiro

“Maxamuud Xaashi Ayaa Guriga Uu Ingiriiska Ka Iibsaday Ka Bixiyey $1,200,000, Halka Ka Caasimada S/land Ku Yaalana uu Ku Iibsaday $170,000”

 

Hargeysa, February 16, 2015 (GNA) – Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa laba guri ka kala iibsaday magaalooyinka Hargeysa iyo Birmingham, kuwaas oo uu ka bixiyey marka wadar ahaan aduun lacageed oo dhan $1, 370, 000 (1 malyan iyo saddex boqol iyo todobaatan kun oo doolar).

 

Sida ay dad xogogaal ahi Haatuf u sheegeen Maxamuud Xaashi ayaa guriga ku yaala xaafadda King Sheath ee magaaladda Birmingham ee dalka Britain oo dabaq ah ku iibsaday lacag dhan $1,200, 000 (Malyan iyo Laba boqol oo kun oo doolar), kaas oo ku yaala goob ay dadka tujaarta ahi degaan isla markaana aanay Soomaalidu badanaa hunguraynin.

 

Sidoo kale Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isagu dhawaan uun guri kale ka iibsaday xaafadda Shacabka ee magaaladda Hargeysa, kaas oo ka horjeeda guriga gaarka ah ee Madaxwayne Siilaanyo ka deganaa Caasimadda Somaliland. Isagoo sida xogaha Haatuf helay tibaaxeen uu qoyskii deganaa gurigaasi kaga iibsaday lacag dhan  $170,000 (boqol iyo todobaatan kun oo daalar).

Ficilada dhiirran ee ay mudadii xukuumadda Kulmiye talada haysay ay ku dhaqmayeen wasiiradda ay isku beesha yihiin Madaxwayne Siilaanyo ayaa u muuqda kuwa Madaxwaynaha laftiisu u ogolyahay inay hantida ummadda ee ay masuulka ka yihiin siday doonaan ugu tagri-falaan, maadaama oo aanay jirin hanti la tirakoobay inay gaar u leeyihiin xukuumaddan ka hor.

 

Dhinaca kale wasiirka duulista iyo hawada Mr Xaashi ayaa isagu ka mid ah wasiiradda ugu awooda badan isla markaana dakhliyada badan ay u soo xaroodaan wasaaradahooda, isla markaanay aan dakhliyadaasi u xaraynin wasaaradda maaliyadda, isagoo lacag gaadhaysa $15, 000, 000 (shan iyo tobon malyan oo dooolar) oo ay madaaradda Hargeysa iyo Berbera ugu deeqday dawladda Kuwait, taas oo su’aali ka taagan tahay halka ay martay xili cashuuro badan oo aan qasnada maaliyada ku dhicin uu gacanta ku dhigo wasiirka duulista oo isticmaalaya awoodo aanu sharcigu u ogolayn.Source:Haatuf

 

 

 

La soco qaybta saddexaad haddii Eebbe idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

siciidgahayr@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker