Milatariga Itoobiya oo u diiday dadka Shacabka ah inay Magaalada Jigjiga ka Qaxaan.

Jigjiga-(OWN)-Ciidammada milatariga ee dalka Itoobiya oo maalmihii u dambeeyay gacanta ku hayay ammaanka magaalada Jigjiga ayaa dadka shacabka ah u diidan in ay ka baxaan magaalada, sida ay sheegeen dad deegaanka ku sugan oo ehelkooda laga soo celiyay duleedka magaalada.

Image result for jigjiga

 

Waxaa jira warar sheegaya in dadka kaliya  ee loo ogol yahay in ay magaalada ka baxaan ay yihiin dadka aan Soomaalida ahayn ee muruq maalka ka ahaa magaalada een nolosha kale ku haysanin.

Waxaa furan ganacsiyo badan, waxaana la qorshaynayaa in shacabka magaaladu ay mar kale nadiifin ka bilaabaan waddooyinka magaalada.

Qaar ka mid ah shacabka Soomaalida ah iyo kuwa aan Soomaalida ahayn ayaa shalay billaabayn in ay isla nadiifiyaan waddooyinka Jigjiga.

Dawladda ayaa dadaal ugu jirta in ay noloshu caadi ku soo noqoto, inkastoo ay wali taagan tahay hubaanti la’aantii siyaasadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker