Madaxweyne Hankaagu Ma Kursiguu Ahaa Mise Wax-Qabad?

..Waxaase dadku hoggaanka kuugu doorteen wax-qabad iyo hoggaamiye wanaagsan oo Bulshadiisa u adeega. Waxaana laagaga fadhiyaa in aad ka dhabeyso ballanqaadyadii ..

Inkastoo iminka ay xukuumadda Muuse Biixi ka baxday cuseybkii. madaama ay muddo 9 bilood ah taladda dalka haysey. Ayaa iminka waxaa bilaabmaaya dhaliilaha wixii ay lahayd.  isla-markaana hamigii ay qabeen shacabku S/land inaanu muuqan. ilaa iminka ma jirto wax reebi kara raad iyo wax-qabad qiimo leh oo lagu xusuusto, mudadii ay joogtay xafiiska. Iskaba daa wax-qabad kalee , Waxaa hoos u dhac weyni ku yimi habsami u socodkii hanaanka dowladnimo. oo iminka u muuqda inuu meesha ka sii baxaayo. Iyadoo mudadaasi dalku madaxa la galay xaalado dhaqaale-xumo. Maamul-xumo . Nin jeclaysi , Colaado gudde iyo dibadba leh iwm. sidoo kale waxaa wadanka Somaliland la soo deristay dagaalo diblo-maasiyadeed oo kaga imanaaya dalalka yaryar ee Somaaliya Iyo Jabuuti, kuwaasi oo salka haya arimo dano siyaasiya iyo kuwo ganacsi ku qotoma

Midnimadda Shacabka Somaliland oo Wiiqantay.

Mudadii Madaxweyne Biixi Talada Dalka Hayey . waxa iyadana hoos u dhac weyni ku yimi Midnimaddii , Wada shaqeyntii iyo Isku-xidhnaantii Bulshadda qaybaheeda kala duwan. gaar ahaan Xisbiyaddii ku legdamay Siyaasadda , Qurba-joogii iyo weliba wada shaqeyntii aynu dunidda la lahayn oo iyaduna hoos aad ugu dhacday ilaa iminka ma jirto wax dareen ah iyo fal-celin oo ay Xukuumaddu ka bixisay xaaladaha isbarkan ee dalka ka jira.

Maamul-xumo Baahsan.

Inkastoo bilowgii xukuumadda laga filaayey mid Bulshadu ku rayn-doonto: marka si guud laysu xisaabiyo. hadana dareenka dadka iminka ayaa ka jawaabay hal-xidhaalahaa ; Taasi oo Dhismaha xukuumada madaxweyne muuse , ay ku fashilantay isku soo jiidka quluubta dadkii doorashada ku kala irdhoobaay iyo Inuu soo dhisi doono xukuumad aqoontu hagto ama ay bud-dhig u tahay  Sahan iyo Cilmi-Baadhis oo talo-wadaag qorsheyaasheedda ku fadhiyey. Waxaa kaloo jira is-qabqabsi iyo isbarbaryaac baaxaddiisu weyn tahay, kaasi oo ku sii faafaya dhammaan hay’adaha dawladda. Isbarbaryaacu kuma eeka Madaxtooyadda Iyo Wasaaradaha  ee waxaa kaloo jira shaqsiyaad iyo kooxo fara badan oo garab abuurmay Wasaaradihii iyo shaqsiyaad aan jago dawladeed ku magacowneyn oo haddana maamulaaya dhaqaalihii, deeqihii iyo hawlihii dawladda.

Xisbul-xaakimkii Kulmiye: Inta badan dhaliisha ugu badan ee Madaxweynaha waa Hiilkii iyo halgankii shacbiga siiba Barnaamijkii iyo tacabkii Xisbul Xaakinka iyo hamigii lagu doortay oo lumay markii ay u suurto gashay inuu gacanta ku dhigo taladii dalka., isla-markaana xisbul xaakiimkii Kulmiye oo ahaa Xisbigii u suura-geliyey in Muuse Biixi noqdo hogaamiyaha Jamhuuriyadda Somaliland.. Ayaa xisbiga Mustaqbalkiisii , Waddajirkiisii uu Mugdi iyo Madmadow galay. Waxaana jira khaladaad , Gef  iyo mid jiritaankiisa laga galay oo marnaba aan layska cafiyi doonin.

Khilafaadka Golaha Xukuumadda ka dhex-taagan.

Mudadaasi Waxaa jiray cabasho iyo isla jaanqaadid la,aan ku timid Xukumadda Muuse Biixi dhexdeedda, taasi oo ka dhalatay qaybaha Wasiiradda iyo hawl-wadeenadda Qaranka oo isla garan waayey heerka iyo hanaanka loo maraayo hawlaha Qaranka iyo fulintoodda, taasi oo ay ku keentay arimo dhowra oo ay ka mid tahay Aqoon la,aan, Dhalinyaranimo iyo Arimo kale oo aad isu biirsaday, arintaasi oo cabashadeeddu banaanka u soo baxday.waana mid sida muuqata iminka ka taagan xukuumadda. qaar ka mida haddii aan tusaale idiin siiyo.

(A) Waxaa khilaaf xoogan ka dhexeeyaa laakiin aan kor loo sheegin,dhamaan Wasiirka Maaliyadda Iyo ku-xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud oo isku dhinac ah

qofkastaana uu hoos ka guuxaayo. shaqadii la rabeyna aanay qaban-karin madaama aanay kalsooni jirin.

(B) Wasiirka Warfaafinta waxaa khilaafyo aad badan. oo warbaahinta gaadhay ayaa kala dhexeeyey qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta , waxaana ugu danbeeyey Agaasimaha guud oo xilka laga qaaday oo madaxtooyaduna ay la safatay wasiirka .kuwaasi mudadaasi curyaamiyay. shaqaddii wanaagsanayd ee laga rabay in ay wax qabato Wasaaradda Warfaafintu.

(C) Wasaaradda Wadooyinka iyo Gadiidka : Wasiirkeeda, Mareeyaha Haayadda Wadooyinka iyo Agaasimaha guud , waxaa ka dhexeeyey khilaafyo  gaadhey in gabi ahaanba la-wada shaqeynin.

(D) Wasaaradda Caafimaadka. Ayuu Wasiirku uu Agaasimaha Guud saxeexii ka joojiyey . taasi oo keentay in iyaguna aanay salaanta iska qaadin.

(E) Wasaaraddo iyo haayaddo kale Ayaa iyaguna waxaa ka taagan khilaafyo aan weli la xaliyin.  

Safarkii ugu horeeyey ee dhulka ee Madaxweyne Muuse

Safarkii Madaxweyne Muuse doraad ku tagay Gobaladda Galbeed ee dalka qaarkood. Ayaa Safarkaasi Madaxweyne Muuse wuxuu salka ku hayey, ka-qayb galka xaflad qalin jebin ahayd  oo loo sameeyay arday dhammaysatay waxbarashada jaamacadda Camuud . kuwaasi oo uu kala qayb-galay damaashaadka qalin jebintooda.

Socdaalkaasi Ayaa Madaxweynaha u ahaa kii u horeeyay ee intii uu Madaxweynaha ahaa ee ku tago gobolo ka midda S/land Laakiin waxa ku weheliyey safarkiisa : Wasiiradda Wasaaradaha : Cadaaladda. Qorsheynta. Maaliyadda. Ganacsiga, Wershadaha, Beeraha Macdanta Iyo Tamarta . Gudoomiyaha Baanka, Taliyaasha Ciidamadda , Agaasimayaal doora oo uu ku jiro ka Madaxtooyadda iyo Mareeyaha Haayadda Wadooyinka JSL. dhacdada noocani ayaa muujisay dareen la.aan, masuuliyad daro iyo dayacaad dhinaca shaqadda Qaranka, waxaanay ka mid ahayd dhaqamaddii lagu yaqaanay xukuumadihii hore ee dadweynaha nacsiiyey dowladnimadda , Balse waxaa dadka siyaasadda aad ula socdaa la-yaab iyo u qaadanwaa ku riday. Markii warbaahinta iyo Baraha Bulshada laga daawaday .isagana Madaxweyne Muuse oo ay hareero yaacayaan masuuliyiintiisii xukuumadiisa oo tiro badan oo soo baneeyey xafiisyadoodii shaqo, taasi waxay tilmaan u tahay sida aan marna looga fileyn Madaxweyne Muuse iyo inuu ka faa.ideystay galdaloolooyinkii xukuumadihii hore ee uu la soo shaqeeyey ama uu u soo taagnaaba.

Gaba.gabaddii: Si-kastaba ha ahatee, dadka ka Falooda Siyasada Iyo Xaalada isbiirsaday ee Dalka jirta. Ayaa sheegay haddii aan la-daba qaban arimahaasi.  waxay horseedi karaan burburka Xukuumadda iyo dowladnimada Somaliland.  Waxaa xaqiiqo ah in xukuumadda Muuse ay lumisay fursad aad u weyn oo taariikhi ah oo khuseysa masiirka dalka. kaasi oo maalinba maalinta ka danbaysa ay hoos u sii socoto rajaddii ay Bulshaddu ka qabtay Hogaaminta Madaxweyne Muuse iyo inuu sharcigu sareeyo, isla-markaana uu wax-walba ka horeysiiyo danta guud iyo adeega Qaranka. Waxaan la odhan-karaa Madaxweyne Muuse may jirin wax qorshe aha oo diyaarsanaa, Balse keliya. waxaa uu bartilmaameedkiisu ahaa inuu kursiga dalka oo qudha ku guuleysto ama mar uun uu Madaxweynaha Somaliland noqdo. Waxaase dadku hoggaanka kuugu doorteen waxqabad iyo hoggaamiye wanaagsan oo Bulshadiisa u adeega. Waxaana laagaga fadhiyaa in aad ka dhabeyso ballanqaadyadii aad sameysey xilligii aad ku jiray ololaha doorashada.

 

 

 

 

Adan Yusuf Elmi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker