Madaxwayne Maxaa loo joojiyay Mashruucii Biyo Balaadhinta Caasimadda Hargaysa Ee uu Jarmalku Maal Galinayay?

Hargaysa:-(OWN)-Mashruucan oo uu maalgelinayay baanka Jarmalka ee KfW, waxa loogu tallo galay lacag lagu qiyaasay 23.5 million Euro si biyaha loo gaadhsiiyo degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, waxaana tartanka ka qayb galay shirkado badan oo aakhirkii lagu soo ururiyay 7 shirkadood oo ay iyadana ahayd in la kala saaro oo lala soo baxo shirkadda qandaraaska ku guulaysatay.

Hase yeeshee iyadoo ay hawsha kala haadinta shirkadahani marayso gunaanadkii, ayaa waxa soo baxay go’aan kedis ah oo uu soo saaray maareeyaha wakaaladda b iyaha Hargeysa oo uu shirkadihii tartamayay ku wargeliyay in la joojiyay qandaraaskii.

Maareeyuhu ma bixin wax faahfaahin ah oo la xidhiidha sababta keentay joojinta qandaraaskan ay shacabku sugayeen, waxaanay faahfaahin la’aantaasi keentay in shacabku su’aalo badan iska weydiiyaan sababta loo joojiyay bixinta qandaraaskan, iyagoo dadku ka bixiyay su’aalahan ay isweydiinayaan jawaabo kala duwan.

Madaxweyne; waxa qandaraaskan waxa ay dawladda Somaliland joojisay  iyadoo sannadkan gudihiisa ay xukuumadaadu ku dhawaaqday inuu fashilmay mashruucii biyaha ee xumbo-weyne ee caasimadda Hargeysa loogu tallo galay, waxaanu joojinta mashruucani walaac ku abuuray bulsho badan oo reer Hargeysa oo ah oo filayay inay mashruucan uu Baanka Jarmalku ugu tallo galay biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa uu guulaysto.

Mudane Madaxweyne, waxa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan sababta loo joojiyay qandaraaskan. Wararka qaar ayaa sheegaya in joojinta qandaraaskani ka timid Baanka Jarmalka, lamana garanayo sababta keentay in dawladda Jarmalku joojiso mashruucan balaadhan ee ay marka horeba go’aansatay inay hirgeliso.

Laakiin, waxa ay Madaxweynoow bulshada Somaliland, gaar ahaan bulshada caasimadda Hargeysa doonaysaa inay jawaabo u helaan su’aalaha ay iska weydiinayaan halistan soo waajahday biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa.

Xigasho:- Wargayska Geeska Africa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker