“Dadku ha Kala Daayaan waxba ma qabanaysaan iyo taageerada indho la’aanta ah ee Reeraysan” – Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa

Hargaysa:(OWN)-Wigaggii ugu danbeeyay ayaa Guddida Dabagalka Hantida qaranku waxay golaha
wakiillada u soo bandhigaysay xisaab-xidhkii miisaaniyadda qaranka ee 2016, gaar
ahaan waxay badka soo dhigeen meelihii aan lagu qaban wixii loogu tala-galay.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan gudidan ayaa sheegay in waajibaadka
qaran ee ay guddidani u hayso golaha ay ugu mudantahay daba-galka iyo hubinta
hantida qaranka iyo halka ay ku baxday. Isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxu yidhi
“Gudida sida magaceeda ka muuqata waxa waajibaadkeeda ka mid ah oo ugu mudan
in ay baadhitaan ku sameeyaan isla markaana ay daba-gal iyo hubin ku leedahay cid
kasta, qof kasta iyo title kasta oo uu leeyahay kaas oo hanti qaran maamula; xilkaa
ama imika ha hayo ama hore ha u hayn jiray.
Si ay taasi u suuro gasho, waxan soo marna gobol kasta iyo goob kasta oo Somaliland
ka mid ah taas oo laga fuliyay mashaariico horumarineed oo laga maalgaliyay lacagta
qaranka, wixii dhul la bixiyay iyo weliba in ay ku hubsadaan in ay qasnadda dawladda
ku dhacday lacagtii ummadu.
Gudidu cid gaar ah ma beegsanayso mana target garaynayso madax hore iyo madax
danbe midba, balse si ay gudidu u gudato waajibaadkeeda shaqo in ay daba-gal iyo
baadhitaan ku samayso halka ay martay hantida ummadu.”
Waxa kale oo uu xildhibaanku sheegay in ay shacabku kala daayaan in ay marna ku
dhaliilaan goolaha wakiillada in aanay shaqadooda qabsan iyo in marka ay goolaha
wakiilladu shaqadooda siday tahay uga soo baxaan in aad tidhaahdaan reer hebel baa
loo jeedaa ama uu suldaan cumaamad sitaa ka hadlo go’aannada ka soo baxa goolaha
wakiillada kaas oo ay ujeeadiisu tahay in uu matalo shacabka una xaqiijiyo halka
rasmiga ah ee ay ku baxday hantida iyo lacagta ummadu.
Xildhibaanku wuxu nasiib-darro ku tilmaamay in xubin ka mid ah xildhibaannada
gooluhu uu raalli-galin ka bixiyo go’aanka baarlamaan ee ka soo baxay goolaha
baarlamaanka; weliba, isaga oo aan ka tirsanayn guddida dabagalka hantida qaranka
ee golaha wakiillada.

Hadalka xildhibaanka ayaa waxay ku soo beegantahay xilli ay dad badan ka qayliyeen
warbixinta ay soo bandhigtay guddida ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee
baarlamaanku taas oo ay ugu wacan tahay iyada oo aan laga qabsan in la soo
bandhigo oo la daba-galo halka ay ku baxday hantida ummadu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker