Sheeko cajiib ah Jacaylka Mise Siyaasadda W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Waxan ahay  wiil dhalinyaro ah oo  ku nool  Somaliland  gaar ahaan caasimada  hargeysa   waxan  dhigan  jiray jamacadaha hargeysa mid ka mida balse nasiib wanaag aniga oon  dhamaysan  ayaan ka baxay kadibna  shaqa yar ayaan helay oon  galinka hore  ayaan ka shaqeeyaa  maalin maalmaha ka mid ah ayaan gabadh aad u qurux  badan  isbaranay   kadibna gabadhi  jacayl xoogan ayaa  na dhexmaray  gabadhu  iyadu waa gabadh dhamastay waxbarashadeeda heer jamacadeed  waxa ay ka shaqaysa  xafiis haayadeed  inta ay shaqada ku jirto mooyaane inta kale oo dhan waxay jeceshay  in aanu wada haasawno  si aanu arimo badan uga wada hadalo

 

Balse  anigu waxan aad u xiseeyaa siyaasada  taas oon maalin walba ku mashquulsanay  falanqaynteeda  xataa marka aan shaqada ku  jiro  ayaan niyada  ka  falanqeeyaa  xata habeenki  oon aad u xiseeyo  in aan daawado  TVyada  ka hadlaya siyaasada  iyo mar  mar ka qaar oon ka sojeedo goobaha lagu  hadal hayo  siyaasada  .

Hadaba  marka  ay makhribka  tahay ayaan waxan ku dhaha gabadha aan is jecelahay  caawa  ila soo hadal markaad shaqada ka soo rawaxdo   balse  kamalafan  oo marka aan gabadha balan  u qaado  ayaan asxaabta siyaasadana balan uqaada  kadibna waxan tagaa  goobtii aan awalba  ku faaqidi  jiray  siyaasada  waxba  yaan hadal kugu daaline markaan gaadho goobtii  falanqaynta siyaasada  een cabaar faaqido ee ay bahashu meel  macaan marayso waa siyaasadee ayaa  waxa  iso wacada  gabadhi  aan  jeclaa hadaba waa yaabe ! ma gabadha aan jecalay baan  la hasawaa  mise  siyasada isaaqday baan faaqida?

Oo  sow  hadi  aan siyaasada halaka ka sii wado oon gabadha  ku dhaho  iyar sug  iga niyad jabi mayso  ?dhanka  kale  hadii aan  gabadha doorto  oon la hasawo saw xiisaha siyaasadu idhaafi  maayo ?  xaalku waa laba daran mid dooro  .

Hadaba akhriste waanigaa ku bandhigay amuurahaygee maxaad igula talin lahayd?

Fiiro gaar ah  qisadu waa saxiibkay  cumar nuur cali.

 

W/Q: Cabdiraxmaan Rashid Axmed (Dalmar)

Suxufi madax banaan

Hargeysa somaliland

Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker