Puntland Kuma biirin Laakiin Saldhig Millateri baan Weydiistey Wayna Isiiyeen (COL-CAARRE)

Ceerigaabo(OWN) Taliye Caarre oo ahaa Abbaanduulihii Ciidammada Qaranka Gobolka Sanaag hore uga goostay, islamarkaasna muddo badan isaga iyo ciidammo uu urursaday ay duurka kujireen, oo isagoo xilligan kusugan xadka Puntland iyo Somaliland aannu caawa khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaannu weydiinney waxa kajira warar maaalmahanba la isla dhexmarayey oo sheegayey in Caarre iyo Ciidankiisiiba ay ku biireen Maammul-goboleedka Puntlan, ayaa sheegay in aanu ku biirin Puntland balse ay siiyeen Saldhig millateri oo uu fadhiisin ka dhigan doono.

 

Isagoo arrintaas ka hadlayana wuxu yidhi “Maya Saldhig millateri baan weydiistey waana Isiiyeen halkaasaan kasoo duulayaa gaadiidka iyo teknikadaydana kusamaysanayaa”,

 

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Waar may maqlaysaa!!!! Qorshahayguna waa cad yahay dib u xoraynta Somaliland weeye nin walbina gobolkiisuu la tashanayaa gudahayna ka bilaabmaysaa xabbaddu”.

 

Ugu danbayntiina Col-Caarre wuxu intaas kusii daray “May maqlaysaa!!!! Puntlan anigu isuma dhiibin Beys millateri baan weydiistey Melles sanaawiba Muqdishuu kasoo dagaallamay magaratay , SNM-na Itoobiyay kasoo dagaallameen Beyskiina Waa Laysiiyey, ciidammaduna waa kusoo qulqulayaan TV-yadana waan ka hadli doonaa”.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker