XUKUUMADDII KULMIYE EE SIILAANYO KA XANUUNSADAY AYAA CADDAATAY INAY ISKU XIDHANTAY WELI.

Waxa maanta dadka reer Somaliland hadal hayaa oo dibnahooda wada saran waa TII Madaxweyne SIILAANYO carabi XAF ka siisay goor aan habeenna ahayn maalin a ahayn, Dekedii Berbera iyo adduunku badan oo kale a raacay ee MAXAA maanta XARAF ku soo celiyey?.

Horta dadku kala nasiib badane intuu odaygu sii maqnaa isbedel weyn baa geeskii Afrika ka dhacay oo wax waliba halkii uu kaga tegay ma yaaliin, Ethiopia iyo Somaliland xidhiidhkoodii daadbaa la tegay, Oromadii iyo Somalidii way is dhameeyeen, Safaaradii iyo Adis apapa iyo Hargeysa ee maxaabiista isu gidbin jiray albaabadaa loo laabay, Xukuumaddii Itaalka darayd ee Mogadisho fara kulul Bay ku haysaa Somaliland, Dagaalkii TUKA-RAQ oo told iyo taag a waayey, Siyaasaddii GUDAHA iyo Debedda ee Somaliland oo khali duurtay wasiir kii a la khali duurtay SIDUU Prof Ismail Buubaa ka sanqadhiyey. Markaa halkaa waxaa caddaatay intuu Muse Biixi Kursiga ku haliilayey in kursigii markuu badhida saarayba GIRGIRA DABA LOO DHIIBAY oo Kulmiyihii hore u dhiibay. Markuu wax uu sameeyo gran waayey wasiiraddii dantii guud boobay a iyagoo Hargeysa wada jooga Dagaalkii TUKA-RAQ Muse kaga baxeen, qaarna lacagtii kaarbaddo iyo kuraasi soo siisteen oo Dawladdii oo faramadhan caawin waayeen ayuu Muse HANTI dhawrkii sii dhaqdhaqaajiyey oo AWTAADAHOODII galay iyaguna badankoodu dad meeqaamkoodu hooseeyo oo (low profile) ah Bay ahaayeen intay godadkii Madaxa kala soo baxeen ayey kelmado aan dhegaha shacabka leeg een ku ganeen HANTI dhawrihii Xukuumadda Muse Biixi oo ay u arkay aan inuu isagu ku soo dhaqdhaqaajiyey.
Laakiin ragga ARIMAHA siyaasadda MASHQACEEYAA waxay yidhaahdeen Siilaanyo iyo Amina Weris Muse ayey Dhinaca saarayaan oo siday cadadu ahayd Siilaanyo lacagta ugu hor bixinaya oo Xukuumaddiisa weli is xulufaysata ka soo saaraya xoolaha ay ka ay ayaan maxaa yeelay DAGAALKA TUKA-RAQ Muse waa lagaga baxay xannaftii doorashada madmadawga badani keentay awgeed in yar oo riyo iyo AWR weyda soo xushay mooyaane. Majeerteen oon weligii cid Siyaasad mooyee aan dagaal ku afkaan jirina wuu bootaalaystay sannadkan.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker