XILDHIBAAN NASIR CALI SHIRE OO MUSUQII GOBOLADA BARI KULA DUL KUFAY…….. SEE ARRIN YAHAY ?

Labo Cisho Ka Hor Waxa Ka Hor Botariyey Barlamaanka Xildhibaan Nasir Cali Shire Oo Leh Musuq Maasuq Ayaan Ka Hadlayaa Waxaanu Aragnay In Sidii Caadada U Ahayd Korneyl Muuse Biixi Iyo Inta Ku Xeeran Ay Sheekadu Tahay Political Spin Marin Habaabin Siyaasadeysan Political Spin Waxa Weeye In Yaroo Run Ah Sheeg Markay Dadku Ku Aaminaan Been Ka Dhargi Aad Awrkaaga Ku Kacsaneysid . Xildhibaan Nasir Cali Shire Sheekada Wuxuu Ku Bilaabay Xisaab Xidhkii 2016 Waxaanu Ku Aragnay Musuq Maasuq Tuhunkaasi Waa Jiraye Xildhibaan Nasirow Hore U Gal Hada Ninkii Odayga Ahaa ALLAH Wuxuu Ka Yeedhsiiyey Musuq Maasuq Dhinac Ka Raran Oo Waxaanu Moodeynay In Saami Qeybsigu Uun Dhinac Ka Raran Yahay Ee Iminka Musuq Maasuqii Iyo Qashinkiina Ma Bari Baad Kenteen Cilmi ALLAH .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ayaa Maalin Dhaweyto U Sheegay Dadka  Markuu Duqa Farmaajo Ah Kasoo Rogaal Celiyey Anakuna Hore Ayaanu U Naqaanay In Korneyl Muuse Biixi Ficiltan Yar Oo Kuwa Shaari Shaarida Ah Leeyahay Waliba Ku Darsoo Qolada Dabaqodhigiisa Ah Ee Kasoo Raacday Jigjiga Yar Wuu Kusoo Tababaray Ficiltankaa Yare Dukaanleydu Leedahay Lakiin Dawladnimo Shuqul Aan Ku Lahayn ., Yeelkeede Anaku Qofna Difaaci Mayno Musuq Maasuqna Difaaci Mayno Oo Ilaa Iyo Shanta Qaradood Ayaanu Ka Ashtakoonay Musuq Maasuqa Waana La Ogyahay It’s On The Record .

Hadaba Waxa Uu Xildhibaan Nasir Cali Shire La Shir Yimi Maxay Ahayd Muwaadin Itaalka Waxa Loo Jawaabayey Mayor Al-Ustad Maxamed Murad Moyar-Ka Burco Oo Gabiley Oo Dhan Ilaa Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Nin Sheegtaa Ka Dul Yuseen , Mayor-Ku Wax Dhiila Ah Ma Sheegin Lakiin Wuxuu Sheegay Inay Togdheer Ku Dulmantahay Canshuurtan Burco Leedahay Ee Berbera Lagu Qaadayo Waa Xeer 12 Gabigiisuba Waa “Affirmative Action ” Ama Sedbursi Loo Sedburinayey Gobolo Waqtigaa Liitay Lakiin Mayor-Ku Wuxuu Yidhi Maanta Yaa Ka Liita Bariga .. Ku Darsoo Mayor-Ka Kaliya Looma Jawaabeyn Lakiin Gobolka SOOL Ayaa Isna La Amusiinayey Oo La Lahaa Bal Eega Waxaanu Lacag Idiin Soo Dirnay Waa La Idinka Musuq Maasuqay  Ee ….Lakiin Sanaag Baa Qiilkaasoo Kale Loo Waayey Saa  One Dollar Looma Dirine ..

Moojiye Qofka Isna La Qaniinsanaa Isagoo Lagu Tuhmayo Inay Mayor Al-Ustad Maxamed Murad Ardaa Kasoo Wada Jedaan Xag Beel Ahaneed Iyo Xag Siyasadeed Ba Iyadoo Dadka La Tusayo In Laynkii Boliiska Ee Hargeysa La Iibiyey Lacagtii Oo Dhana Burco Jeel Loogu Dhisay Oo Burco Wixii Hargeysa Cuneyso Intii Kale Na Macaali  Wasiir Cali Marexaan Cunay Tasoo Been Cad Ah Lacagtaa Intii Ugu Badneyd Dadkii Meesha Dagenaa Oo 17 Qoys Ahaa Ayaa Dib U Dejin Loogu Sameeyey Ogow Muwaadin Burco Hal Gelin Ayey Kusoo Celin Kareysaa $ 500.0000 Shanta Boqol Ee Uu Sheegay Xildhibaan Ina Cali Shire Hadii Xeer 12 Canshuraha La Bedelo Ooy Burco Canshuurto Xooleheeda .

Xildhibaan Nasir Cali Shire Warbixintiisa Kuma Jirto Ama Waa Teel Teel Musuq Maasuqa Uu Sheegayo Wax Kusaabsan Maroodijeex Sida Egal Airport Iyo Lacagaha Lagu Cuno ,  Lacagta Dekeda Berbera Ee Iyadoo Go’yaal Lagu Sido Gasha Madaxtooyada , Mashuruucii Biyiha  Xumbo Weyne Lacagtii Imaraatka Iyo E.U Oo Ka Badneyd Miisaniyada Gobolada Bari Dhawr Sanadood , Mashruucii Wadooyinka Caasimada …… Hadii Ay Heli Lahayeen Gobolada Barigu Lacagtii La Lunsaday Ee Mashaariicda Biyaha Xumbo Weyne Iyo Wadooyinka Caasimada Dhawr Sanadood Way Wadi Lahayd .

Hadii Laga Tagi Waayo Galbeeka Wuxuu Xusay Xilidhibaan Nasir Cali Shire Laba Melood Oo Boorama Ah Garoon Kubadeed Oo Roog Laga Cunay Haday Run Tahay Kaa Rooga Cunay Akhdar ALLAH Ha Ka Dhigo Iyo Meel Iskuul Ah Oo Iyana Wax Laga Cunay … Bal Hada Farsamadaa Eega Meeshii Dawakhday Ee Gudoomiye Ramaax Political Shock Ku Sameysay Ee Uu Yidhi Maffia Fadhida Iyagu Canshuur Sameystay Dawladi Ogeyn Waa Hawsha Uu Siyaasadii Somaliland Ba Kaga Baxay Gudoomiye Ramaax Waxa La Arkay Isagoo Qorax Isku Dhigaya Labadii Duhrnimo Bad Talaale Iyadoo June Ah Waa Dhako Faarkii Togawajeela Iyo Degmaday Ka Tirsan Tahay .

Musuq Maasuqu Ka Hadli Maayo Wasaarada Maaliyada Ee Eedo Iyo Adeer Iskaga Kale Dambeyeen Oo Waliba Eedo Masracad Bay Ka Sameysatay  Marwo Zamzam Dhawr Kadin Oo Geel Ihi Jogaan Oo La Siiyo Garaabo Siday Shegeen Waar Bal Geelaa Cadilan Eega Cruelty To Animals Waa Animal Abuse Waa In Caalamka La Gaadhsiiyaa  Geel Garaabo Qaad La Siinayo Tolow Nimankii Ogadeen May Ka Gabyaan………… Xildhibaan Nasir Cali Shirow Ogow Ninkii Ugu Dambeyey Ee Guri Ka Iibsada booli qaran ah London  Walaalkaa Ayuu Ahaa Macaali Wasiir Sacad Cali Shire Waar Dadka U  Sharax Shirkada Walaalkaa Iyo Safiir Baashe Wada Samaysteen Ee Magaca Somaliland Lagu Sameeyey Ee Somaliland Investment Company  Marka Dambe  Xildhibaan Nasirow Bahasha Biyo Nagaga Dar Oo Ama Musuq Maasuq Dhaba Ka Hadal Ama Iska Aamus !

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker