Xatooyada guddida baarlamaanku sheegtay. By Amir Bidde

Waxaan wada dheegaysannay warbixintii guddida baarlamaanka ee dabagalka hantida umadda ee masuuliyiintii hore lunsadeen. Waxay si cilmiyaysan oo ku astaysan baadhitaan qoto dheer, oo faahfaahsan u soo bandhigeen hantida tirada badan ee masuuliyiintii dawladdihii hore musuqmaasuqeen. Masuuliyiintaa oo kaashanayay shirkado xaaraana oo kula heshiiyeen xadidda xoolaha dadwahnaha. Shirkadahan waxa la siiyey qandaraasyo beena oo waraaq uun ku qoran oo hawo ah, lacagtiina la qaadanayo waxna aan la qabanayn. Ama inta wax yar la qabto, dabadeedna malaayiin dollar dawladda lagu soo dallacdo (dabcan masuuliyadda waxa leh: masuulkii xukuumadda ee ogolahaanshaha lacagta bixiyey).
Waxa la yaab leh raggii masuulka ka ahaa hantida la lunsaday inay maanta qaarkood iyagu soo weeraraan guddidii baarlamanka (saxaafadda ka hadlaan) iyagoo leh siday ugu dhacaan inay sheegsheegaan waxaan xadnay!
Xukuumadda cusub waxa dadwaynaha Somaliland ka sugayaan in hantidoodii la xaday ama la dhacay in loo soo cesho, tuugtiina sharciga la horkeeno shaadhkuu doono ha xidhnaado markuu wax dhacayee (ku dawladeed ama ku shirkad-qandaraas). Madaxwaynuhu waa inuuna arrintan cidna ugu habran, xataa madaxwaynihii hore ee markuu arrintan maqlay degdeg dalka ugu soo noqday waa inaan loo joojin. Oon la aqbalin odoyayntiisa.
Madaxwayne Biixi waa inuu ballantii ololaha doorashada ee ahayd inuu musuqa la dagaalamayo ka dhabeeyaa. Waa hadduu rajo ka qabo in marlabaad la soo doorto. Ballan darro waa diin darro. Aakhirana way dambaysaa (ka wax xaday iyo ka maanta awood u leh inuu soo qaban karo labadaba xisaabtii Ilaahay ayaa aakhiro ku sugi).

Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker