SOMALiLAAN: Dhexdhaxaadintii ONLF iyo ETHIOPIA ( EPRDF)

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa martiqaad rasmi ah ka helay xubno ka tirsan baarlamaanka Ingriiska , una olaleeya gooni-isu-taagga Somaliland. Waxaa safarkaas ku wehelinayey Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Sheekh Ibraahim , Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Qaybe , Xaaji Cabdi Waraabe iyo xubno Wasiiro ah. Waxaa maalin maalmaha ka mid ah telefoon u soo diray Madaxweynaha Guddoomiyaha Jabhada ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan  Wuxuu ka codsaday  Madaxweynaha in uu la kulmo , waanu ka aqblay. Madaxweyne Rayaale wuxuu kulankii u xil saaray Xaaji Cabdi Waraabe iyo Anniga ( Amba Cawil ). Wakhtigii ballantu ahyd ayuu Admiral Maxamed C Cismaan oo hoggaaminaya afar xubnood ka mid ah jabhadiisa noogu yimi huteelkii aanu daganeyn. Bacda Salaan waxaa hadalkii qaatay Xaaji Cabdi isagoo la hadlaaya Maxamed Cismaan.
” Maxamedow Adeer , Aabahaa wuxuu ahaa qof wanaagsan , Caalim ah , nabadda jecel , wanaagga jecel , dadka xidhiidhiya. Aad ayaanu isu niqiinay , saaxiib ayaanu ahayn. Waxaan ku leeyahay Maxamedow dadkaagii wey dhammaadeen, xabbad iyo gaajo ayaa laysay. Jabhaddaas ONLF ee aad madaxda ka tahay, xaqiiqda markaan kuu sheego, lama dagaalmayso Itoobiya, waxay dagaal xun ku haysaa dadkii ay ku andoocanaysay in ay xoreynayso.
Waxaad mooddaa in jabhadan ONLF loo soo diray in ay cidhib tirto beesha Ogaadeen, oo dib dambe loogu yeedhin. Waxay jabhaddaadu gubtaa baabuurta raashinka dadka u sidda, si ay dadku macaluul ugu dhamaadaan. Baabuurta intaanay guban, raashanka kalama degaan. Raashinka baabuurta way isla guubaan; waa masax aan fayoobayn. Dadkaagii wixii tamar ay ku qaxaan haystay, wey qaxeen. Xoolo dadkii uma noola, beera uma noola, intaba ONLF ayaa ka baabiisay.
Gurigayga Hargaysa waxaa igula nool 20 qof
oo aanu qaraabo nahay oo ka soo qaxay xabbadda iyo cagojuglaynta ay ONLF-tu ku hayso. Maxamedow adeer dalka kaalay, adigu madax ka noqo Kilika Shanaad, kaalay dadka wax u qabo. Dadkaagu waxay u baahan yihiin biyo, horumar ayey u baahan yihiin. Adeer aan kuu duceeye, haddii aad aabahaa ku bannaan tahay, dadka xabadda ka jooji. If iyo aakhiraba ajar aan gudhin ayaad heli”.
Markii Xaaji Cabdi hadalkiisii dhammeeyay ayaan Maxamed Cismaan ku idhi:
” Maxamedow muddo dheer ayeynu saaxiib ahayn, waa innagii xamar guryaheenu jaarka ahaayeen, wixii ay soomalidu ka wayday boqor Xayle Selaase iyo madaxdii kale Itoobiya ayay ka heshay dawladdan uu Melez Zenawi madaxda ka yahay. Wuxuu idin yidhi Soomalida Itoobiya Madaxweynihii na doorta, dawlad dhista, baarlamaankiina doorta, afkiina wax ku qorta, calankiina yeesha, miisaniyadda Itoobiya loo qoondeeyo qaybtiina qaata, dadkiina wax ugu qabta oo horumar gaadhiisaya; si ay u soo gaadhaan qowmiyadaha kale ee Itoobiya.
Maxamedow, waxaan ku xasuusinayaa Kililka Shanaad kumuu badbaadin Soomaalinimo, wuxuu ku badbaaday Itoobiyanimo; dagaalkan aad kula jirto Itoobiya, haba yaraate, hiil kaga heli meysid Soomaali, meel kasta oo ay joogtaba. Somaliland ayaa dal Soomaliyeed idiinku xigta. Waxaanu u aragnaa ONLF jabhad hagardaaminaysa oo dhibaato baaxad weyn ku heysa ummadda Kililka Shanaad oo muddo nus qarni ah lala dul taagnaa xabbad iyo barokac.
ONLF waxay caqabad ku tahay nabaddooda iyo horumarkooda. Maxamedow Saaxiib, geesinimo u yeelo in aad ONLF kala dirto ama aad adigu iskaga baxdid, si aanad ugu mid noqon luggooyada ummaddaasi ku hayaan”.
Intii wada-hadalku noo socday Maxamed Cumar Cismaan waxaan eegayay dareenka ka muuqda wejiyada afarta nin ee la socda. Raggaasi mid ka mid ah ayaan arkayay sida uu u dhibsanayay hadalkayga iyo ka Xaaji Cabdi Waraabe. Kursiga ayuu qaban waayey. Marba dhinac ayuu kursiga ugu fadhiisnayay, isagoo oo ay wajigiisa ka muuqatay cadho xoogan. Ragga kale dareen caadi ah ayaa wejiyadooda ka muuqday. Waxaanu mar dambe ogaanay in ninkaasi ay iska hor yimaadeen Maxamed Cumar Cismaan isaga oo madaxnimadii jabhadda ku qabsaday. Ninkaas cadhaysnaa oo mar dambe magaciisa la iigu sheegay Maxamed Siraad Doolaal, wuxuu mar dambe ku dhintay dagaal dhex marayey garabkii ONLF ee uu hoggaaminayay iyo Dawladda Itoobiya.
Maxamed Cismaan markii uu hadalkii qaatay sidan ayuu noogu jawaabay:
” Xaaji Cabdi iyo Cawilba aad ayaad u mahadsantihiin. Si daacad ah oo nasteex leh ayaad iila hadasheen. Mar ayaa jirtay in aanu rabnay in aanu wadahadal la furno dawladda Itoobiya. Waxaanu isla garanay goobtii iyo waqtigii uu kulanku qabsoomaysay. Rag odayaal ah ayaan gobtii u diray. Odayaashii oo goobtii ku sugan ayuu ciidan dul yimid, waana la wada laayey. Hadda diyaar ayaan u ahay in aan wada-hadal la furo dawladda Itoobiya, si nabad loo helo. Haddii aad tihiin dawladdii Somaliland, arrintaas gacan waad ka gaysan kartaan, laakiin kulankaasi waa in uu ka dhacaa meel aan Itoobiya ahayn.”
Maxamed Cumar Cismaan wuxuu na siiyey telefoonadiisii, si aan ula xidhiidhno. Markii aanu Addis Ababa ku soo noqonay ayuu Madaxweyne Daahir Rayaale la kulmay Meles Zenawi. Aniga ayaa madaxweynaha ku weheliyay kulankaas. Wuxuu Meles ugu warramay kulankii na dhex maray annaga iyo Guddoomiyaha ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan.
Wuxuu Meles u sheegay cabashadii Maxamed Cumar Cismaan, in ay ciidamada Itoobiya gummaadeen Odayaal u socday kulan dhex mari lahaa dawladda Itoobiya iyo ONLF. Wuxuu kaloo u sheegay in Maxamed Cumar Cismaan diyaar u yahay in uu wada hadal la halo dawaladda. Wuxuu Meles ku jawaabay in uu diyaar u yahay in uu kula kulmo meel allaale iyo meesha uu doorto, si ay ummadda ku nool degaanka Soomaliyeed ee Itoobiya u helaan nabad waarta iyo horumar. Markii uu madaxweynuhu Hargaysa ku soo noqday ayuu xidhiidh la sameeyey Maxamed Cumar Cismaan. Telefankii ayuu ka qaban waayey madaxweynihii, taas oo tusaale u ahayd in uu Maxamed Cumar Cismaan qaatay dariiqii colaadda; taas oo ummadda halaag maahee wax kale aan u soo hoynayn.
Buuugga: Raad-raaca Taariikhda Soomaliyeed
Qore : Amba Xuseen Cali Ducaale ( Cawil )
Bogga: 355 illa 360 aad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker