Halka uu ka Bilaabmo Khilaafka Wasiirka,Ku Xigeenka iyo Agaasimaha guud !

Had iyo goor waxaa dhagaha Dadweynaha ku soo dhaca oo ku soo noq-noqda Wasiir iyo ku Xigeenkiisa oon aan isu san-banaanayn, ama Wasiir iyo Agaasimihiisa oo la kala jiidayo oo fiintu ay dhex miranayso, waxaa kale oo jira murano culus oo had iyo goor Wasaaradaha iyo Xarumaha Maamulka dawlada ka jira oo aan inta badan debada usoo bixin oo huursan.

Hubaal waxaa ah in muranada iyo khilaafyada badan ee had iyo goor ka dhexjira Madaxda u sarraysa Wasaaradahu ay ragaadiyaan socodsiinta hawlaha Qaranka, iyada oo masuulba ka ay muransan yihiin uu ku jiq-sii iyo ku xumee u cadaadiyo fulinta awaamiirtiisa iyo socodsiinta hawlaha shaqada. Arrintan muranada iyo khilaafaadka Madaxda ee soo noqnoqdaa maaha kuwo ku kooban Dawlada hadda jirta, balse waa Cudur ka dhex taagnaa dhamaan Xukuumadihii dalka soo maray oo dhan, haba kala darnaadeene.

Waxaan jeclaystay inaan waxoogay ka tilmaamo Saddexda Masuul ee uu had iyo goor khilaafku ka dhex dhaco oo kala ah Wasiirka, Wasiir ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud.

1. Wasiirka !

Wasiirka aan Niyada Wanaagsanayn ama aan hore ummad Madax ugu noqon, ee aan Fahamsanayn Masuuliyada iyo Amaanada loo dhiibay markiiba wuu isla boodaa, oo uu Cirka is geeyaa, oo uu qof kale noqdaa oo uu ku cel-celiyaa anigaa meesha Wasiir ka ah, waxa uu markiiba iloobaa in Masuuliyada loo dhiibay uu haynayo wakhti kooban, oo ay haboon tahay inuu Fursadaas Madaxweynuhu uu ku sharfay inuu ka soo dhalaalo oo uu Taariikh iyo Magac fiican kala tago marka ay Warqada Casi soo gaadho ee la yidhaa Duco-qabe Xilku waa Meerto.

Hadaba Wasiirka aan fiicnayn ee markiiba ay Masuuliyadu ka lunto, ee Sacaadatul-wasiir iyo adigaa meesha Xukuma ay markiiba maskaxdiisa gasho, Wasiirka caynkaas ahi waxa uu caqabad ku noqdaa dhamaan hawlihii Wasaarada ka socday, waxaanuu u qaataa in uu joogo Dukaan uu leeyahay, waxa uu iloobaa in ay hawsha Wasaaradu ay tahay Masuuliyad-wadareed uu qofba meeris leeyahay, isaguna uu yahay Odaygii ay Masuuliyadiisu ahayd inuu hawsha iyo hawlwadeenada la shaqaynayaba uu isku wado. Waxa uu cunaha iskaga duubaa wax kasta, waxaana uu culays saaraa masuuliyiinta ka hoosaysa. Taasina waxay keentaa in Wasiirku yahay ka muranka istaadha. Waxaana Wasiirka caynkaas ahi uu had iyo goor daadifeeyaa oo uu muran geliyaa kaalinta Agaasimaha iyo Wasiir ku xigeenku ku leeyihiin Wasaarada.

2. Wasiir ku Xigeenka:

Inta badan Wasiir ku xigeenka uu Nasiibku hoos-geeyo Wasiirka Xun ee aynu kor ku soo sheegnay, waxaa ku dhaca niyad-jab, waxaana hor-yaala Masuuliyada uu Wasaarada ka hayo oo ah Wixii hawl ah ee uu Wasiirku u igmado, iyo marka uu Wasiirku maqan yahay oo uu Wasaarada horjooge ka yahay. Wasiir ku Xigeenada qaar-badan oo ka mid ahi waxaa had iyo goor ka muuqda Niyad-jab, badankooduna maba soo shaqo tagaan oo usbuucii wakhtiyo kooban ayay Wasaaradaha yimaadaan, dhibta kale ee badiyaa haysata Wasiir-ku xigeenadu waa iyaga oo ah canaan ka yaab, hadii ay isku dayaan inay shaqo fiican qabtaan waxa qaarkood ka fikirayaan in Wasiirku uu si kale u arkayo. Waxaana halkaas ku luma shaqooyin fiican oo la qaban lahaa, sababtuna waa Wasiirkii ku faani lahaa shaqada fiican ee uu qabtay ku xigeenkiisu, ayaa u fikiraya si khaldan oo wuxuu is odhanayaa kan ku xigeenka kuu ahi wuu dheeraynayaa….. Badiyaa Ku Xigeenadu way la aamusaan dhibta ay kala kulmaan Wasiirka, waxaanay inta badan ka maqnaadaan hawlaha Wasaarada. Laakiin waxaa jira Wasiir-ku xigeeno aan iyagu Niyad jabin oo habeen iyo maalinba shaqada qaranka haya duruuf kasta oo jirtana dhexda u xidha oo aad u shaqeeya.

3. Agaasimaha guud:

Agaasimayaasha Guud waa Mishiinka Wasaarada Dhaqaajiya, waana qaar inta badan aad u waayo-arag ah oo si fiican oo qoto-dheer u fahamsan Shaqada Wasaarada, waxaana ay yihiin oo aan ku tilmaami karaa Tiirka Koowaad ee ay Wasaaradu ku taagan tahay, waa socodsiiyayaasha hawlaha Wasaarada oo dhan, waana muhiim in ay Madaxbanaani buuxda u yeeshaan hawsha loo igmaday ee Sharcigu qeexay taasoo ay lagama maarmaan tahay in Wasiirku uu mar kastaba si hufan ula shaqeeyo Agaasmiaha guud si aanay hawlaha shaqdu isu taagin.

Hadaba waxaa jira Agaasimayaasha qaarkood oo iyaguna isla-weyn oo Afka cirka u taaga oo doona inay shaqada Wasaarada oo dhan ay dhexda iskaga maraan iyaga oo dafira ama daadifeeya Kaalinta Wasiirku uu leeyahay ee ah inuu yahay Masuulka ugu sarreeya Wasaarada.

Agaasimaha guud ee qalbiga xun ee had iyo goor laga yaabo inuu Wax-isdaba marin iyo madmadow ku jiro waxa uu markiiba u hawl-galaa inuu Xulufo ka dhex samaysto shaqaalaha Wasaarada si uu had iyo goor u helo cid Muranka u xoojisa oo Wasiirka ku lidi ah, si ay dadka u tusaan in Wasiirku yahay qofka khaldan ee ay hawsha Wasaaradu ka socon la’adahay.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa badiyaa dhaliya Muranada soo noqnoqda ee dhex mara Madaxda Wasaaradaha.

Waxaa jira Wasiirro, Wasiir ku Xigeeno iyo Agaasimayaal tiro badan oo Sharaf badan oo Muddakar ah oo uu qof kastaa fahamsan yahay masuuliyada uu ummada u hayo oo si fiican Qaranka ugu shaqeeya.

Ugu danbayn waxaa mihiim ah in Wasiirka, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guudba ay ogaadaan inay Masuuliyad-wadareed hayaan oo ay waajib ku tahay inay si fiican u wada shaqeeyaan, wixii khilaaf ah ee yimaadana ay si hoose u xalliyaan oo aan bulshada usoo gudbin. waxaa kale oo muhiim ah inay ogaadaan inay xilka haynayaan maalmo kooban sidaas darteedna ay noqdaan qaar lagu xasuusto shaqo-wanaag, amaano iyo waxqabad.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaha Ganacsiga/Qorshaynta iyo Arrimaha Debada Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker