Guddoomiyaha Gudiga Qandaraasyada oo Qodobeeyay Hawsha ay Qaranka u Hayaan

Guddoomiyaha gudiga qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen,aya aqodobeeyay hawlaha hay’adda qandaraasyada qaranku dalka u hayso iyo waxyaabaha ay ku soo kordhiyeen mudadii uu xilka hayay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay hannaankii hore ee shirkaduhu ugu tartami jireen qandaraasyada qaranka ee dawladdu bixiso oo ay wax badan ka bedeleen.oo uu tilmaamay in ay markii hore ka qayb geli jireen shirkado labtob ku jira oo aan xarun iyo xafiis midnaba aan lahayn.

Waxaanu caddeeyay in ay mamnuuc tahay in qandaraas dawliya la siin doono shirkad aan xarun iyo hanta lahayn oo aan la aqoon isla markaana aan cashuur bixiye qaranka u diiwaan gashan aan ahayn.

“gudiga qandaraasyada qaranku waxay dalka u qaabilsan yihiin oo ay masuul ka yihiin bixinta qandaraasyada dawladdu wax ku soo iibsanayso ama ku iibinayso taasoo ah hawl qaranka mudnaan weyn u leh isla markaana muhiim u ah dhismaha qaranka waxaana ugu weyn ee looga baahan yahay hay’adda qandaraasyada qaranku waa caddaalad iyo in ay noqdaan qandaraasyada ay bixinaysaa kuwo cad oo si aan mugdi lahayn looga qayb galo isla markaana shirkadaha ka qayb galay kuwa ku guulaystay iyo inta ku hadhayba ay ku wada faraxsan yihiin oo ay ku qanacsan yihiin,taasina waa masuuliyad aanu gudanayno oo aanu u ballan qaadanayno tartameyaasha.illaa aanu gaadhsiino qandaraasyada Somaliland heer la mid ah kuwa caalamiga ah ee dunida ugu sarreeya ugun hannaan wacan.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay meelaha ay wax ka bedeleen iyo tallaabooyinka ay qaadeen waxaa uu yidhi.“markii hore waxaa jiri jiray in qandaraasyada dawladda ay ka soo qayb geli jireen shirkado aan xarun iyo xafiis midna aan lahayn oo labtob lagu sito oo magaceedaba la wada garanayn,laakiin waxaanu soo rognay in aanay ka qayb geli karin tartanka qandaraas ee dawladdu ay bixinayso shirkad aan xarun lahayn isla markaana aan la garanayn oo aan hantiile ahayn waxaana intaa dheer in ay ahaato shirkadda tartan qandaraas ka qayb galaysaa shirkad qaranka u diiwaan gashan oo cashuur bixiye ah waxaana mamnuuc ah in shirkad aan cashuurta qaranka bixin in ay tartan kaba soo qayb gasho.”ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda qandaraasyada qaranku.

Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu intaa ku daray. “berigii hore waxaa jiray sanduuq la dhigi jiray marka tartan la qabanayo oo la odhan jiray shirkadaha halkaa ku rida qiimaha aad ku tartamaysaan oo gudigu kala bixi jiray isla markaana gudiga oo keliyi ogaan jiray shirkad waliba qiimaha ay soo gudbisay, taasina waxay ahayd mid shaki abuuri karta oo aan lagu wada qanci karin waxaanan ku bedelnay in shirkad waliba qiimaha shayga qandaraaskiisa loo tartamayo ay ku gelayso in ay madasha kaga dhawaaqdo oo la wada maqlo ka dibna ay nagu soo wareejiso qoraalkeeda illaa ay ku dhawaaqdo oo la wada maqlana kama qabano xogta qiimaha ay ku tartamayaan.taasi waxay meesha ka saartay in shirkaduhu cawdaan oo ay yidhaahdaan malaha waxbaa la is daba mariyay.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray “Tartanka Qandaraas ee ugu dambeeyay ee jeelka weyn ee Gabiilay waxaa ka soo qayb galay 33 shirkadood oo dhammaantoodna iyagoo ku wada faraxsan hannaanka tartanka loo galay,ayay u wada hambalyeeyeen shirkaddii ku guulaysatay.shirakddii ku guulaysatayna iskamaanu siin ee tartan adag ayay soo martay hadday tahay qalabkeeda,hadday tahay hantideeda.”

Waxaa kale oo uu ka hadlay qodob ay shiraduhu ka cawdeen oo ay xalkiisa gacanta ku hayaan,waxaanu yidhi. “dhammaan shiradihii ku hadhay tartankii Jeelka Gabilay waxay nagala hadleen oo ay ka cawdeen in qiimaha injineeradu soo sameeyeen ay suuqa galaan oo ay u xafidnaan waayaan taana qorsheheedii waanu wadnaa oo shirkadaha iyo Hay’adda qandaraasyada markaanu isku xidhnaantooda iyo wada shaqayntooda xoojino oo aanu siminaaro badan u qabano tuhunkaasina meesha wuu ka baxayaa.”

 

 

Suxufi114

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker