Shirkada Dahabshiil Group Oo Abaal Marino Guddoonsiisay Afar Macmiil Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Sanadka 2018

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa sannadkan 2018 macaamiisheeda usoo bandhigtay abaalmarintii sannadka ugu qaalisanayd oo ah hal qof oo ku guulaysandoona gaadhi cusub, saddex qof oo ku guulaysandoona xaj iyo sida oo kale sideed iyo toban qof oo ku guulaysandoona Dalxiiska Dalka hooyo taas oo shirkadda somtel ay gayndoonto goobaha dalka ugu quruxda badan iyo goobaha taariikhiga ah
Hadaba Masuuliyiinta Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa maanta xaruntooda kusoo bandhigay barnaamij ay ugu talagaleen in ay si toos ah u guulaystaan afar qof oo ka mid ah 22 ka guulayste ee ku guulaysandoona  abaalmarinta sannadka 2018 ee shirkadda Dahabshiil Group ay bixindoonto
Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Khadar Abdirahman Abdilahi oo ah Madaxa Xidhiidhka Bulshada ee Shirkadda Somtel waxaanu faahfaahin ka bixiyay barnaamijkan iyo sida loogu guulaysandoono waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “ Maanta oo ay taariikhdu tahay 21.JULY.2018 waxa aanu halkan hadiyado iyo abaalmarino qaali ah ku gudoonsiindoona afar ka midda macaamiisha shirkadda somtel oo marka serverka shirkaddu soo xulo noqondoona qaybtii u horaysay ee ku guulaysandoonta abaalmarinta sannadka taas oo qaybaha hadhayna lagu guulaysandoono maalmaha fooda inagu soo haya, hadaba macaamiisha Dahabshiil Group waxa aanu ugu bushaaraynaynaa in ay ka qayb qaataan abaalmarintan qaaliga ah islamarkaana u diyaar garoobaan wax shardi ah oo ku xidhanna ma jiro abaalmarintan balse waxa kaliya oo laga rabaa tartamaha in uu yahay Macmiil ku xidhan Dahabshiil Group tusaale ahaan waa in uu isticmaalo Simcardka Somtel kuna isticmaalo adeegga edahab sida oo kala waa in uu isticmaalo adeegga Dahabshiil banka taas micnaheed waa in aad tahay macmiil ku xidhan Dahabshiil Group”
Intaas ka dib serverka Shirkadda Somtel waxa uu bilaabay in uu kala shaandheeyo boqolaal kun oo ka mid ah macaamiisha shirkadda Somtel ugu horayntiiba waxa uu serverka Shirkaddu soo qabtay macmiilkii koobaad ama guulaystihii koobaad ee ku guulaystay xajjka sannadka 2018 kaas oo  islamarkiiba  goobta munaasibaddu  ka socotay ay teleefonkiisa gacanta garaaceen Masuuliyiinta Shirkaddu waxaanu noqday  Siciid Cabdi Axmed oo numberkiisuna yahay 065-9095718, Siciid wakhtigaas waxa uu joogay reerkiisa oo yaala deegaanka Botorka oo u dhaw Magaalada Gabiley waxaana loogu bushaareeyay Abaalmarinta qaaliga ah ee uu helay oo ah in uu ku guulaystay Xaj taas oo Shirkadda Somtel sannadkan ka bixindoonta dhammaanba kharashaadka kaga baxaaya xajka. Guulaystihii labaadna waxa uu noqday Warsame Muuse Cawad oo jooga Magaalada Berbera numberkiisuna yahay 065-9592683 iyo  Raxma  Cawad Faarax oo joogta Deegaanka Dandan oo ka mid ah Gobolka Sool numberkeeduna waa 065-9609198 iyo Maxamed Cabdi Ismaaciil oo jooga Hargeysa  numberkiisuna waa 065-7281607 dhammaanba saddexdan macmiil ayaa ku guulaystay qaybta Dalxiiska taas oo Shirkadda Somtel ay u dalxiis gayndoonto macaamiishan Goobaha Dalka ugu quruxda badan iyo sida oo kale  goobaha Taariikhiga ah sida Jasiiradda Sacaadadiin, Laasgeel, Gacanlibaax, Daalo iyo Goobo kale oo qurux badanba
Ugu dambayntii waxa halkaas ugu mahad celisay macaamiisha guulaysatay Madaxa Suuqgaynta ee Shirkadda SomtelSo! Hibo Warsame waxayna ugu bushaaraysay macaamiisha in 23 iyo 26 bishan aynu ku jirno ee todobaad uu serverka somtel soo xulidoono guulaystayaasha qaybtii labaad iyo waliba qaybta saddexaad oo noqondoonta qaybtii ugu dambaysay 22 qof oo shirkad ahaan ay ugu talagaleen in ay siiyaan abaalmarino qaali ah oo isugu jira Xaj, Gaadhi cusub iyo waliba Dalxiis. sidaa darteed waxa ay macaamiisha ka codsatay in ay telefoonadoodu furnaadaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker