Saldhiga Milateri Ee Berbera Laga Yagleelaayo , Muxuu Daaran yahay? Amb. Mohamed Ismail Hussein. “Balishire”

MA DANBAA… MA DAWBAA… MA WAX LAYSKU DIIDAA.!!!???

 

Waxa hubaal ah in beryahan danbe mashruuc siyaasadeed laga dhigtay shirkada DP World iyo saldhiga Milateri ee magaalada Berbera laga yagleelaayo. Hadaba su’aashu waxay tahay. Somaliland 27 sanadood ayey geed ku xidhnayd. Caalam aqoonsaday ma jirin, caalam wax la taaban karo taray ma jirin. Xataa dal aqoonsi yar oo ku meel gaadh ah sii amaahiyey ma jirin.

 

Sidaas oo ay tahay, hadana Somaliland itaal kasta oo ay leedahayba way iska soo dhutinaysay ilaa hadana sidii ayey u sii dhutinaysaa. Shacabka reer Somaliland way dadaaleen, horumar dhaqaale iyo mid nabadgelyo intaba way samaysteen.

 

Waxa hadaba xaqiiq ah in dawladihii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland in midkoodna aanay ku guulaysan in ay aqoonsi buuxa Somaliland u keenaan ilaa hadana ilaahay ayuunbaa og wakhtiga uu iman doono aqoonsiga uu dalkani baahida weyn u qabo. Hadii dalkani uu maanta aqoonsi buuxa haysan lahaa xataa mid la soo amaahiyey ha ahaade waxani may dhaceen, oo marnaba Dawlada Xamar fadhidaa kamay daba qayliseen.

 

Hadaba maanta Somaliland waxa u soo gacan gashay waa fursad dahabi ah oo runtii baahi weyn loo qabay, waana mid dhalin karta in dalkani uu mustaqbalka dhaw aqoonsi buuxa heli doono. Waa hadii jidkii saxda ahaa ee loo baahnaa loo soo maro. Isla markaasna si dhab ah loola xisaabtamo dawladahan waaweyn ee dhan dhaqaale iyo dhan siyaasadeeedba aduunka magaca ku leh ee maanta dantu inaga soo gashay.

 

Hadaba Somaliland maanta waxay u baahan tahay in ay hesho maalgalin dhaqaale oo baaxad weyn leh iyo aqoonsi buuxa oo dalkani ka helo beesha caalamka. Waxa hubaal ah in aanay Somaliland ka liidan kana dhaqaale yarayn kana baaxad yarayn dalka Jabuuti oo maanta marti geliyey isla markaasna u babac dhigay in ay dalkooda xarumo waaweyn oo ciidan uga sameeyaan dawladihii aduunkan aynu maanta ku nool nahay ugu xooga badnaa. Waxay isku keeneen Intaas oo dawladood oo baaxad leh oo aduunka laga yaqaan oo qaarkood siyaasad ahaan aan is arki karin oo sida jinaca isku ura. Dawladahaas oo ah kuwo aan siyaasad ahaan aan is jeclayn laakiin dano waaweyn oo dhaqaale ay ka dhaxeeyaan, ayaa hadana maanta dantu is baday oo deris ku noqday gudaha dalka Jabuuti.

 

Maanta shacabka reer Somaliland waxay isku mashquuliyaan sheekooyin badan oo ka taagan suuqyada magaalooyinka Somaliland. Sheekooyinkaas oo dabcan ah sheeko xariireed. Intaan ka xasuusto waxay kala yihiin, sida tan.

(1) Hadii uu Saldhigan Milateri uu hirgalo. Waxa ina soo weerari doona, oo gantaalo inagu soo ridi doona Xuutiyiinta reer Yamaneed. !!!!!????

(2) Waxa saldhigan Milateri isticmaali doona dawlada Masar oo waxay Masar damacsan tahay in ay weerar ku qaado dalka Ethiopia oo uu ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed oo ku aadan dhanka webiga Niilka. (The Nile River). !!!!!!!???????

(3) Waxa saldhigan Milateri isticmaalaya Dawlada Maraykanka iyo xulaafadiisa oo waxay weerar ku qaadi doonaan dalka Iiraan. Iyo qaar kaloo badan. !!!!!!!?????

 

Hadaba waxa is waydiin mudan, maxay tahay cabsida lagu beeraayo shacabkan reer Somaliland ee daalay ee wareeray ee maanta in ay nolol tan dhaanta helaan baahida weyn u qabo, laakiin nasiib daro shacabkan reer Somaliland laftigooda Ayaan mararka qaar aan aqoon meesha ay dantoodu ku jirto.

 

Maal-gelintan dekeda Berbera ee DP World iyo Saldhigan Milateri ee dawlada Emirate-ku ay dabada ka riixayso , waxay tusaale cad u tahay in Maanta ay Somaliland ay cagta saartay dhabadii cadeed ee mustaqbalka soo noqodna aanu jirin. Waxaanse ka baqayaa in fursadan dahabiga ah ay reer Somaliland leftigoodu ay iskaga shinbiro waaqleeyaan. Waa in siday tahay looga Faa’iidaystaa fursadan qaaliga ah ee maanta u soo gacan gashay dalkeena hooyo oo mudo badan baahi weyn qabay dhankasta oo ay ahaataba, iyadoon dalkani wax aqoonsi ah oo uu beesha caalamka ka haystaa aanay maanta jirin si kasta oo ay ahaataba.

 

Hadaba si aynu nolol tan dhaanta aynu u helno, oo aynu aqoonsi buuxa u raadino. Waa in aynu baranaa sida khamaarka loo ciyaaro, waa in aynu noqonaa dad khatar kasta u badheedha ama waxa loo yaqaano “The Risk Takers”. Waxaan maanta ku talin lahaa in aynu la jaan qaadno siyaasada wejiyada badan ee aduunkani ku sugan yahay. Waa in aynu fursad kastaba ka faa’iidaysanaa siday doontaba ha ahaate. Xataa hadii ay noqonayso in aynu Yuhuuda (Israel) cilaaqaad la samaysano. Waa in aynu ku dhaqaaqnaa sida ugu dhakhsaha badan. Wax laga xishoodo iyo wax laga cabsadaa midkoodna yaanu jirin…. “I guess. It’s about time. !!!!!!!!

 

“Mr. President, I would humbly and profoundly recommend that, we must never hesitate to face any challenges, no matter what the situation is, even if it takes the establishment of a proper and a full diplomatic relations with the state of Israel.”

___________________________________________

Amb. Mohamed Ismail Hussein. “Balishire”

Former Somaliland Special Representative to Australia.

Wakiilkii hore ee Somaliland ee dalweynaha Australia. Email: info@somalilandfoundation.com

_____________________________________________

regards

 
Amb. Mohamed Ismail Hussein “Balishire”
President & Special Representative:
Horn of Africa Relief & Development Organisation (Harado) 
Somaliland Mission Australia (SMA) &
Somaliland Australian Friendship Foundation Inc (SAFF)
 
Phone: 61+431 278 979             (Australia)
Mob: 61+434 805 540                (Australia)
Mob: 252+633544439.              (Somaliland)
Mob: 252+633165005.              (Somaliland)  (WhatsApp only) 
Mob: 252+653544439.              (Somaliland)
Mob: 971+567792217.              (UAE)
Mob: 251+944707208.             (Ethiopia)
Mob: 251+944707207.             (Ethiopia)
Fax: 613+ 8734 5467
 
Po. Box: 5467. Clayton. Vic – 3168. Australia.
Email: info@somalilandfoundation.com
Email: haradocharity@gmail.com 

 


This email and any files transmitted with it contain confidential information and intended solely for the use of the individual or the entity to which it may addressed to. It may contain confidential or legally privileged information. If you are not the intended recipient, you must not directly or indirectly disclose, distribute, print any dissemination, coping or use of this information is strictly prohibited. If you received this email in error, please immediately delete it and all copies of it from your system, and kindly notify the sender as accurately as possible by email to Somalilandfoundation@live.com.au. Unless otherwise stated, any views or opinion presented are solely those of the author. 

Many Thanks
,
SOMALILAND AUSTRALIAN FRIENDSHIP FOUNDATION INC (SAFF)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker