Waraabe dhibaato Ba’an ku haya dadka degan deegaano hoostaga Magaalada Hargaysa.

 

Hargaysa-(OWN)-Dadka deegaanka Cabdi Geeddi ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Waraabe uu weerar ba’an ku haayo islamarkaana uu cunayo dadka deegaanka.

Yaxye Cabdullahi Xuseen waxaa uu ahaa wiil 8 jir ah,Waraabe ayaa ku qaaday deegaankaas, waxaana laga soo dhiciyay isaga oo dhaawac ah.

Waxa loo qaaday dalka Jabuuti halkaas oo uu ugu geeriyooday dhaawacii ka soo gaadhay Qaniinyada Waraabaha.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in wiilkaasi yahay qofkii 4aad ee sanadkan 2018 oo kaliya uu Waraabe cuno, waxaana ay sheegayaan in weerarrada waraabaha ay aad u badanayaan.

Waxaa ay dowladda ka codsadeen in ay wax ka qabato weerarka Waraabaha oo ay sheegeen in uu bartay Hilibka Dadka islamarkaana weerarro joogta ah qaado.

Waxaa ay sheegeen in Waraabaha degaankaas ay isugu mid tahay Habeen iyo Maalin islamarkaana weerarka uu si joogto ah u qaado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker