Lammaane 20jirkoodii Isguursaday Oo Ku Heshiiyey Inay Kala Tagaan

Lammaane 20 jirkoodii isku guursaday oo hore ugu heshiiyay markii ay kala tegayeen inay isguursan doonaan haddii ay dhacdo inay 40 jir ku gaadhaan iyagoon midkoodna xaas yeelan, ayaa dib isugu noqday markii ay sidaasi u dhacday.

 

Lammaanahan oo la kala yidhaa Mairi iyo Rhys ayaa markii ugu horreysay 20 jirkoodii isguursaday, haatan Mairi Gordon da’deedu waa 45 jir, halka Rhys Mc Lellan oo u dhashay gobolka Edinburgh ay da’diisu tahay 43 jir. Waxaanay aheyd 1995-Kii markii ay kala tageen, iyagoo si kaftan ah ugu heshiiyey inay dib-isugu noqdaan markay afartan jirsadaan, sidaasi awgeed waxay ku guuldarreysteen inay xidhiidh qoysnimo uu mid kastaa uu cid kale la yeesho, wallaw lammaanahaasi kala tegay ay sannado dambe kulmeen oo ay sheeko dambe dhex martay ayaa haddana aanay ku guuleysan inay dib-u-isugu noqdaan.

 

Mair waa Gabadh farshaxanad ah oo baratay qurxinta dumarka waxaanay tidhi “Waligay maan illoobin siday xaalladdaydu noqotay maalintaanu kala tegaynay”.

 

Mairi waxaanay ku sheegtay Rhys inuu ahaa Jaceylkii nolosheeda, “In aanu dib isku aragno ninkaygii hore waxay aheyd arrin naadir ah kadib markii aanu kala tagnay”. Waxaanay intaasi ku dartay “Waxaan tegay bandhig lagu soo bandhigayay Dharka, saaxiibkay oo markaasi qabanqaabinayay Kulan lagu ururinayey Qaadhaan samafaleed.

 

Guurkoogan Dambe Markay 40 Noqdeen Iyagoon Xaasas Dambe Yeelan.

“Rhys wuxuu ka mid ahaa dadkii meesha isugu yimid ee ka qayb qaadanayay tabarrucaa, markii aanu si lama filaan ah isku aragnay, ayaanu si gaar ah u kulannay oo aanu isku wareysannay’ Waxaanay Mairi sheegtay inay la kulantay saddex jeer oo qudha, markii ay kala tageen. Mar waxay aheyd 3 sannadood kadib kala tagoogii, mar kalena waxay ahayd mar ay telefoon kala xidhiidhay oo aheyd markii ay Hooyadii dhimatay, oo ay tidhi waxaan ka tacsiyeeyay telefoonka. Halka markii saddexaadna uu yahay xilligan ay isku afgarteen inay isguursadaan ee ay ku kulmeen Bandhigga.

 

Rhys oo ah nin ay xirfaddiisu tahay Kooraan-galinta, ayaa isna caddeeyay inuu is-aragoogan uu ku dhaliyay jaceylkoogii hore ee labaatan jirkii mid ka darran. Waxaanu sidoo kale yidhi “Imika waanu garanaynaa labadayadu ba, wuxuu midba midka kale kala tegay, markaasi waxaan filayaa in aanu guurkayagan dambe dib u fashilmi doonin”.

Mairi iyo Rhys

 

Hargeysa-Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker