Halkee Buu Salka Ku Hayaa Khilaafka Ka Dhex Taagan Hayada Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland .?? Muxuu Se Madaxwaynaha Qaranku Ka Ogyahay?

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa uu khilaaf Balaadhani ka dhex taagnaa masuuliyiiinta sare ee hayada hanti dhawrka qaranka , khilaafkaasi oo salka ku haya Hanaanka maamul ee hayada hanti dhawrka qaranka.
Waxaa mudooyinkii u danbeeyay madaxwaynaha dalku uu gudoomiye cusub u soo magacbay hayada hanti dhawrka qaranka gudomiyhan cusub ayaa hore u ahaa maareeyihii dekeda berbera …. Oo hore u lunsaday lacag loogu talo galay In dekeda Berbara loogu soo Iibiyo TAAGA Maraakiibta soo haga .
Kadib markii la soo magacaabay gudoomiyhaa cusub waxaa uu xilkii si toos ah ugala wareegay gudoomiyihii hore ee hantidhawrka qaranka halkiisi oo ka bilawday hawl maalimeenkiisii shaqo.
Hadaba waxaa is waydiin mudan halkeebuu khilaafkani salka ku hayaa?
Hayadani waxay lahayd oo hore u sii joogay oo uu madaxwayne siilaanyo magacaabay Agaasime guud oo hayadaa ka shaqeeya Kadibmarkuu arkay hawsha balaadhan ee taala hayda hanti dhawarka.. si loo ilaaliyo Hanaanka xisaabeed ee xafiska hanti dhawarka qaranka oo ka masuul ah hanti umada.
Markii shaqada bilaabayba gudoomiyaha cusub waxaa uu khilaaf ka dhex aburay hayadii hanti dhawrka isaga oo saxeexii ka joojiyay Agaasimihii guud ee hayada si sharci daro ah … waxanu agaasimihu diiday in lacag badan oo ku dhaw 250,000 $( LABA BOQOL IYO KONTON KUN OO DOLAR AH ) oo uu gudoomiyuhu doonayay inuu kala baxo qasnada hayada oo uu u isticmaalayay si sharci daro ah …..
Khilaafani markii uu dibada u soo baxay waxaa uu gudoomayuhu kaambayn u galay sidii agaasimaha meesha looga saari lahaa si ay ugu fududaato inuu la baxo lacagtii uu doono .. waxanu uu madaxwaynaha ku khasbay in meesha loosoo magacaabo gudoomiye ku xigeen , agaasimaha meesha joogana uu xilka ka qaado ama u meel kala lataliye ugu magacaabo.
Sida ay noo sheegeen ilo ku dhaw xafiiska Agaasimaha hanti dhawrka ayaa noo xaqiijiayay in ay kulmeen agaasimaha iyo madaxwaynuhu halkaasi uu agaasimuhu u gudbiyay maclumaad dhan oo kusahab san hanaanka ay hayadu u shaqayso , dalkigeeda lacageed iyo hantida ay maamusho ee ay masuulka yihiin ,,, u soo bandhigay halka uu khilaafku daaran yahay ee uu salka ku hayo isaga oo u sheegay in uu gudoomiyuhu doonayo in uu xoolaha umada ee hanti dhawrku leeyahay uu ku takri falo oo uu lacag bilaa qorshe ah kala baxo qasnada hayada iyada oo ay shaqaaliha qaar ba bilaa mushaar iyo gunaba yihiin .
Madaxawaynuhu wuu ku qancay si ay sheegeen warbixintaasi waxaanu u soo jeediyay agaasimaha inuu halkiisaa joogo isla markaan ushaqadiisa sii wato.
Waxaa kale oo qaar ka mid ah masuuliyiinta hayada hanti dhawrku noo xaqiijiyeen inay khilaafkan dabda ka riixayaan qaar ka mid ah kooxo ku shaqaysta shaadhka madaxwaynaha oo ay madaxwaynaha qaraabo dhaw yihiin kuwaasi oo doonaya inay mashaariic badan oo uu xafiiska hanti dhawrku leeyahay dhex marsadaan gudoomiyaha cusub iyaga oo hore iskugu af garan waayay agaasimaha hayada sidii loola wada bixi lahaa lacagtaa .
Kulan danbe oo madaxwaynaha uu la yeeshay gudoomiyhu waxaa uu culus ku saaray inuu agaasimaha xilka ka qaado oo uu la taliye uga dhigo hayda hantidhawrka si uu isaguna u labaxo kharshaad badan oo dayn ah oo madaxawaynaha amaahiyay xiligii Ololaha doorshada madaxtooyada .
Madaxwaynuhuna wuu ka aqbalay codsiga gudoomiyaha waxaanu agaasimaha amar ku siiyay inuu meesha iska dhex joojoogo oo aanu wax sexeex ah ku yeelan waa sida ay noo sheegeen masuuliyiin ku dhaw dhaw gudoomiyaha hadayda hanti dhawrku .
Arintani waxay ina tusaysaa musuqmaasuq uu madaxwaynuhu raalida kaga yahay masuuliyiintiisa uu magacaabay iyo inuu madaxwaynuhu samaystay kooxo ku shaqaysta shaadhkiisa oo mashaariicda umada wada leedahay lunsada oo si eexaysan uga qaata masuuliyiinta dawlada cidii ka soo hor jeedsatana ugu hanjaba inay xilka ka qaadi doonaan.
Sida ka helnay xogo hoose oo ka mid ah shaqaalaha hantidhawrku waxay noo sheegeen in Agaasimahii hore hanti dhawrku waxaa uu madaxwaynaha u gudbiyay warqad is casilaad ah oo ka dalbaday inuu xilka uu qaranka hayo gartay inuu iska casilay … madaxwayuhuna uu ka aqbalay dhawaana uu qaban doono warsaxaafadeed uu bulshada u soo bandhigi doono musuqmaasuq baahsan ee ragaadiyay hayadaha dawlada iyo sida uu madaxwaynaha dalku raalida uga yahay in hantida umada la dhaco ,,,,
Waxaa kale oo ilo xogogaal ah noo xaqiijiyeen in uu agaasimuhu joojiyay kooxo baadhid ku soo sameeya xafiiska ku yaala madaarka oo uu maxamuud xaashi lahaa kaasi oo gudoomiyha cusub amar khaldan ku galiyay baadhid isaga oo aan wax xog ah ka hayn meeshina uu ka dhigay hayad lagu aar goosto oo cid kasta oo ka danbaysay xilkii maareeyaha berbera ee laga qaaday inuu isna kaga aar sado xilkan u hayo… agaasimuhuna uu ka diiday waraqo fooljari ahaa oo uu gudomiyhu doonayay in lagu kiiseeyo xafiiska madaarka ku yaalay .
Waxaana gudoomiyha dabada ka riixiyay maamulaha shirkada diyaarada Ethopia Airline oo uu madaxwaynu abti u yahay kaasi oo doonayay inuu la wareego xafiiskaa security ga ee uu maamuli jiray Ex wasiir maxamuud xaashi si uu isaga u qaato lacagtii adeega ahayd ee ka soo hoyan jirtay .

Agaasimuhu waxa uu u soo jeediyaya Madaxwaynaha inuu ilahay ka baqo oo uu shacabka doortay hantidooda u ilaaliyo sidii balan qaadka uu kaambaynka ku galayna uu balantii shacabka uu u qaaday oofiyo

Allaa Mahad Leh
Wariye : Xuseen Xasan Ahmed
Hargaysa – Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker