FAYSAL CALI DHURWAA AMA DONALD TARAAMKA SOOMAALILAND, WAA IN CARRABKA LAGA JARAA

Donald Taramka Soomaaliland, oo hadda galay khaladkii ugu weynaa, lagana yaabo inuu hadda in maxkamad la soo taago, kaddib markii uu ku dhawaaqay sannadihii tegay in qofkii la kulama Madaxweynaha Soomaaliya in la toogto ama carrabka laga jaro.

Soomaalidu waxy tidhaahdaa “BOHOL HADIMO HA QODIN, HADDAAD QODDANA HA DHEEREYNIN, KU DHICI DOONTIDNA MOOYEE.” Qandaraasle Faysal oo ku shaqaysto Shirkaddiisa caanka ah ee UCID contracting Co. ayaad mooddaa inay ka soo dhammaanayaan qandaraasyadii uu ka qaadan jiray Soomaaliland, kaddib markii dadku UF yidhaahdeen.

Faysal oo dayacay carruurtiisii iyo xaaskiisii, taasoo kalliftay inay galaan urrurrada ay reer galbeedku u yaqaanaan argagixisada iyadoo lagu dilay dalka Suuriya wiil uu dhalay, ayaad arkaysaa isagoo had iyo jeer aflagaadaynaaya dadka milgaha iyo sharafta ku leh ummadda Soomaaliyeed ee nasiib darradu ay ku habsatay. Typically sida Donald Taraamka maraykanka ay daku yidhaahdaan maskaxdaa looga jiraa ama he is mentally sick, ayaad arkaysaa isagoo ammaanaaya qofkii uu shalay caayaayey ama aflagaadeynaayay.

Aflagaadooyinkiisa caanka ka noqday ee ay tahay in maxkamad lagu saaro waxaa ka mid ah:

1. Qofkii aan ka maqlo Soomaaliya Carrabka Ayaan ka goyn lahaa haddii la ii doorto madaxweynaha Soomaaliland

2. Qabiilka sharafta leh ee Haawiye oo la ii sheegay inay carruurtiisa Abtiyaashiisa yihiin oo ku caayo caqli-xumo isagoo aaminsan inay raciyad u yihiin Daaroodka.

3. Dadka sharafta badan ee deggan gobollada Galbeedka Soomaaliland oo marka uu wax ka rabo ammaana laakiin inta badan cayda iyo xumaanta uu u qabo kula dul dhaca, isagoo aaminsan inay yihiin Faqashtii ka hadhay Dawladdii Siyaad Barre, ayna mudan yihiin in la gumaysto.

4. Faysal oo liiska dadka ku saaqiday siyaasadda kaga jiray Numberka 4aad ayaa hadda waxa ka horreeya oo kaliya labada la sheego inay professoorro yihiin oo kala ah Ahmed Samatar oo lagu naanayso tolkii nabce iyo Mujaahid Gallaydh oo ay ku dhacday tol-la’aani, kaddibna isku dhiibay xukuumadda jeegaanta ee ka amar-ku-taagleysa magaalda hargeysa. Dadka ku saaqiday siyaasadda Soomaaliya oo sannadba sannadka ka dambeeya soo kordhaaya Ayaan ugu talo galay barnaamij gaar ah, oo aan ku tafaftiri doono mid mid, iyo sida ay liiska ugu kala guuleysteen, iyadoo aan ku siin doono Shaahaadooyinka la siiyo dadka nolosha ku saaqiday ama loo yaqaanno Drop-outs. Waxaanan u qaban doonnaa xaflad aan ugu magac darno oo lagu qaban doono meel ka mid ah waddanka Soomaaliya, waxaanan ku casuumi doonaa dadka milgaha iyo sharafta ka mudan ummadda soomaaliyeed, halgankana ugu jira sidii ay mar kale u hana-qaadi lahayd, cagahana isugu taagi lahayd.

Ka soo qaybgal wacan xafladda: “Drop-outs Ceremony ama xafladda saaqidiinta soomaaliyeed”.

5. Wiil ay Soomaalinnimadu ku wayn tahay oo la yidhaahdo Abdulmaalik Coldoon oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya markii la doortay, arrintaasna ay xukuumadda Jeegaantu ku xidhay, ayaa markii la waydiiyey maxaa wiilkan lagu xidhay, maxaadse ka aaminsan tahay dambiga uu galay ee ah inuu nin Soomaaliyeed oo la doortay uu la kulmay, ayaa waxa uu bixiyey jawaab ay dadku la yaabeen, xataa suldaankiisa oo dhacdhac badan lagu yaqaanno ayaa ka cawdu-billaystay, kaddib markuu yidhi “kuwan way yara xidheene anigu waan toogan lahaa”, CAJIIB. Sow markaa maaha in manta la toogto, illayn waxa uu u shaqo tegay Soomaaliya oo wuxuu la kulmay madaxweynahoodii, oo waliba ammaan u kiishay, isagoo markii aad u caayi jiray.

6. Faysal hadda waxaa uu ku duulaa laba garab oo iyaguba garba beelay naftoodiina meel saari la’ waa Ina Samatar iyo Gallaydh, oo ay sheekadoodu noqotay inay dadka kala dilaan iskuna diraan. Kaliya waxaan ku tilmaami karnaa hooyadii wiilkii yaraa ee ay dhashay markii uu hadli waayey ay Ilaahay ka barido inuu wiilkeeda uga hadlsiiyo ee aanay ku darinba ducadeedii inuu wax khayr badan ku hadlo, kaddibna ku hadlay kalmadihii aynu wada garanayno ee foolxumada huwanaa, kuwanna halkii laga rabay inay at least ay gudaan abaalkii waddankoodu u soo sameeyey, Waxbarasho Bilaasha, Caafimaad Bilaasha, huwiyayna shaadhka ay dadka ku dhex socdaan ee ay hadda dhammaatay qaddarinteedii, ayay waxay ku kaceen foolxumadani iyo dhaqan-xumadan ay dadkii iyo xawaaankiiba la yaabban yihiin.

7. Ugu dambayntii waxaa suurta gal ah in ay dhammaantood isku dhiibaan madaxweynaha Soomaaliya, mansabna ay ka raadsadaan inkastoo ay adag tahay inay ka gudbi karaan Interviyuuga sugaaya, kaasoo hadda aanay lahayn cilmigii iyo aqoontii lagu galaayey.

 

La so qaybta Labaad

Halyeyga qarniga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker