Dooni ay saarnaayeen 160 Qof oo Isugu Jiray Soomaali Iyo Ethiopian oo ku Dagtay xeebaha dalka Yemen Faah-faahin.

Dalka Yemen ayaa lagu soo waramayaa in Doon sida 160 Qof  ay ku degtay xeebaha Badda Shadwa ee Koonfurta dalkaasi Yemen, sida laga soo xigtay hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo hay’addaha Amniga deegaankaas.

Lama oga tirsada rasmiga ah ee dhimashada iyo haddi ay jiraanba muhaajiriin lasoo badbaadiyay, sida ay ku warameeyso Wakaalada Wararka ee AP.

Doonta ayaa la sheegay in Khamiistii ay ka baxday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, iyada oo sida 100 ruux oo Soomaali ah iyo 60 ruux oo Itoobiyaan ah, oo ay ka mid yihiin Caruur iyo Haween.

Saraakiishan la hadlay AP oo diiday in magacooda la adeegsado ayaa sheegay in aysan jirin gurmad ka howl-galay sidii dadka loo soo badbaadin lahaa.

Muhaajiriinta ka baxa qaarada Africa gaar ahaan dadka u dhashay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa marin ka sii dhigtay dalka Yemen oo ay hadda ka jiraan dagaalo culus oo galaaftay nolasha dad badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker