Dhacadadii ugubka ahayd iyo Xaaladaha Nabedgelyadda Ceelafeyn iyo deeganada hoos yimada

Iyadoo xukumadda soomaaliland ay u saartay gudi iyo ergo dhexdhexaad ah iyo culimada dalka ugu waaweyn qayb ka mida oo isaga timi dhamaan goboladda dalka somaliland ,sidii loo soo afjari laha colaada mudadda sadexda sano ku siman ka socotay degaankaas ee u dhexaysay bulshada walalaha ah.
iyadoo xukumaddu tiroba ila todoba jeer isu keentay madax dhaqameedka iyo dadkii dirirtu dhex martay.degaanka deg ceelafweyn ayaa waxa hal bacaad lagu lisay noqoday go,aamadii, dhaartii iyo heshiisyadii la dhexdhigay intaaso jeer.
mashaqadaasi waxa galay xaaladda wax garad,xukumadda iyo golaha guurtida si aan dhibkaasi mar danbe u dhicin, si kastaba ha ahaate waxa bishan aynu ku jirno bilowgeedi mar kale xukumaddu u dirtay xubno dawladda ka socda oo isugu jira wasiiro iyo agaasimeyaal.
sido kale waxa halka gaadhay ergo balaadhan oo iyaganu ka kooban culimo , salaadiin xidhayaasha labadda qolo ee colaadu u dhexayso, intaa ka dib markii goobta laysugu tegay waxa lagu dhawaaqay xabad joojin iyo in labadda ardaa cidamadooda kala raraan amaankana xukumadda balan qaaday inta aan wada hadalku furmin inay gacan bira ku qabanayso.
sidaas oo ay tahay waxa loo balamay in shirka degdeg loo furo arimahana la gudo galo, inkasto aanay beesha biciide soo dhamaytirin waxayna qabsadeen mudo shan cisho ah oo ay kusoo diyaar garooban waana laga ogolaaday, hase ahaate go’aamadii waxba kama fulin waxaana dhacay weeraro iyo jid gooyoyin is daba jooga oo rag loo qabqabtay , hadana waxa si badheedh ah usii daayey wasiirada iyo taliyeyaasha halka jooga oo ay ahayd in qofkii amniga khalkhalinaya meel looga soo wada jeesto.
waxa iyana dhacday dhacdo ugub ah oo ay ku kacday beesha biciide oo ka mida labaddii beelood ayaa maleeyooshiyo hubaysan oo ka mid ahi weerareen xalay oo taariikhdu ahayd 19/7/18 guri maato joogto waxayna ooda kaga qaadeen rasaas aanay u meel’dayin, nasiib daro waxaa ku naf weydey gabadh yar oo saddex jir ah. Waa dhacdo aad u fool xun oo aan wali iyada oo kale hore loo arag loona maqal. Waxaaba kasii daran taas oo hal bacaad lagu lisay noqotay xukuumadii ku faanaysey inta wadda hadalku socdo in aay gacan bir ah ku qabanayso cidkasta oo khalkhal gelinaysa nadabgeliyda, mana jirto wax talaabo ah oo qaada.aay kaga jawaabayso dhacdadaa ugubka ah.

 

Qoraa Mohamed Sead Askar

maxamedsiciidaskar@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker