Bandhigga caalamiga ah ee Buugaagta oo maanta Magaalada Hargeysa ka furmay.

 

 

 

 

Bandhiga buugaagta Hargeysa

Hargaysa-(OWN)-Waxaa maanta magaalada Hargeysa ka furmay bandhiga caalamiga ah ee buugaagta oo sanad walba laqabto qabto.

Qabanqaabiyayaasha bandhiga ayaa waxay sheegeen in sanadkan la soo bandhigi doono 120 buug oo cusub iyo buugaag horey loo qoray.

Bandhigga ayaa waxa uu soconayaa muddo toddobo maalmood ah waxaana buugaagtooda kusoo bandhiggaya, hadalana ka jeedinaya qorayaal caan ah oo Soomaaliyeed iyo kuwa cusub.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Zaylici ayaa si rasmi ah u furay bandhiga buugaata ee sanadkan, iyada oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka Britain ee Somaliya Daved Concard .

Qorayaasha sanadkan lagu casuumay islamarkana buugaagtooda so bandhigi doona ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen 25 dal.

Bandhiga buugaagta ee Hargeysa ayaa sanad waliba waxaa lagu marti qaadaa dal gaara waxaana sanadkan marti ku ah dalka Ruwanda.

Madaxda ka qaybgashay bandhiga oo uu ka mid yahay madaxwayna ku xigeenka Somaliland

Gudoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa ee lagu qabto bandhiga buugaagta sanad walba Dr; Jaamac Muuse Jaamac ayaa sheegay in sanadkan bandhiga diiradda lagu saari doono ereyga Xikmadda iyo murtidda ay Soomaalida lahaan jirtay.

Mr Jaamac ayaa intaa ku daray in buugaagta la soo bandhigayo qaarkood lagu daabacay dalalka Yurub kuwaasi oo isugu jira kuwa ay Soomaalida qoreen iyo kuwa Soomaalida laga qoray.

Qaar ka mid ah dadka ka soo qaybgalay iyo buugaagta

Waxaa jira qorayaal cusub oo dhalinyaro ah waxaana ka mid ah gabdho qoray buugaag cusub.

Bandhigyada buugaagta ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaa bandhigyo buugaagta lagu qabtay magaalooyiinka Muqdisho,Garoowe iyo Kismaayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker