“24-ka saacadood ee soo socda hadaan carlaqadaas laga horqaadin xujaajteenii sanadkan way baaqanayaan, … “

Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wali hortaagan xujaajtii sannadkan ka tagi lahayd soomaliland iyo Soomaaliya.

Hadaba sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab oo ka mid ah culimada somaliland ayaa si weyn ugu baaqay in laga hadlo carqalada hortaagan xujaajta. Sheekh Carab oo ka hadlay dhibaatooyinka sanadkan la soo darsay dadka xujaajta ah ayaa waxa uu yidhi “Waxa soo kordhay arin islaamnimada iyo dadnimada ku xun oo ah in la carqaladeeyey oo la hor taagan yahay xajkii uu ilaahay muslimiinta ku waajibiyey sanadkiiba hal mar, ilaa hadana ma jirto fiiso kaliya oo wadanka gudihiisa loo fiiseeyey xujaajtii haday tahay somaliland iyo soomaaliya, baasaabooradiina ay dhamaantood yaalaan xafiisyada shirkadaha, markii aanu waydiinay ee aanu nidhi maxaa dhacayna, ay yidhaahdeen waxa hor taagan dawlada soomaaliya.”ayuu yidhi sheekh carab .

 

Sidoo kale Sheekh Carab ayaa baaq u diray dadka soo gudanaya xajka ee la hortaagan yahay waxanu yidhi “Ilaahay waxa uu ku leeyahay inay gurigia ilaahay soo booqdaan waana waajib ilaahay inagu adoonsaday oo lagama maarmaan ah, waana waajib ay dadkii muslimiinta ahaa ee xajayey ay u diyaar garoobeen oo lacagtii iyo baasaabooradii laga qaaday, maantana inay ku jaah wareeraan xafiisyadii baasaabooradi oo xafiisyada yaala, shirkadihiina ay garan waayeen wax ay ku jawaabaan oo ay leeyihiin wax war ah oo aanu haynaa ma jirto, safaaradii aanu ku hagaajin lahayna waa la hor taagan yahay, Dadka muslimiinta ah ee sanadkan u diyaar garoobay inay soo gutaan waajibkaas ilaahay wuu ka aqbalayaa iyaga oo dedaalkoodii way bixiyeen laakiin waa inay hadlaan oo ay yidhaahdaan maxaa hortaagan xajkayagii haday tahay somaliland iyo soomaaliyaba, sidoo kale dadka culimada ah ee xujaajta kaxeeya iyo dadkii lacagta ka guray ee xafiisyada ku dhex meeraysanayaa waa inay hadlaan oo yidhaahdaan xujaajtii waa la hortaagan yahay si ay umadu ogaato wadanka sucuudiguna u ogaado.”.

 

Sheekh Carab ayaa guud ahaan dadka muslimiinta ah ugu baaqay inay habaaraan cid kasta oo hortaagan xujaajta “Dadka xujaajta ah waxa uu nabigu tilmaamay inay yihiin wefti ilaahay, wixii ay ilaahay waydiistana uu ka aqbalayo, baryahadana ilaahay wuu ka aqbalayaa, waa inay ilaahay baryaan oo ay habaaraan cida ishortaagtay xajkaas sanadka ee carqaladaynaysa meel kasta oo ay joogaan oo dadka muslimiinta ah ee codkayga maqlaya dhamaantood waa inay habaaraan cidii is hortaagta waajibkaas ilaahay, ilaahayna weftigiis cidii is hortaagta aduunyo iyo aakhiraba ciqaab ayey ku mudanayaan.”.

 

Sidoo kale Sheekh Carab waxa uu ka dayriyey in xujaajta soomaalida ahi ay sanadkan qarka u saaran yihiin inay ka hadhaan xajka “24-ka saacadood ee soo socda hadaan carlaqadaas laga horqaadin xujaajteenii sanadkan way baaqanayaan, waayo waxani barnaamij ayey leeyihiin haddii wakhtiga aad tagi lahayd aad dib uga dhacdana way kaa buuxsamaysaa.”. Sidoo kale waxa uu dawlada somaliland ku dhaliilay inaanay xulafada sucuudiga ee ay la safatay ka dhamayn in xajka lagu tago baasaaboorka somaliland waxaanu yidhi “Iyada marka horeba xidhiidh maxaa lala samayn waayo baasaabooradeena laguma tagayn, dawladeenana lama ictiraafsanayn marka hore-na waxaynu sii daba fadhinay soomaaliya oo baasaaboorkooda ayeynu ku tagaynay magaca aynu ku tagayna soomaaliya ayeynu nahay, laakiin waxa wax lala yaabo ah haddii aynu xulafadii sucuudiga iyo imaaraadka ahayn oo dekedeenii la siiyey dawladeenu ma waxay ku guulaysan wayday inaynu baasaaboorkeena xajka ku tagno, maxaa wadanka dhan lagu iibiyey.” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Macalin Carab.

Sheekh Maxamed Macalin Carab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker