Khaladaadka Xukun Ee maxkamadda Gobolka Hargaysa iyo Ayidaada Asbaabta Xukun ee ta Rafcaanka ee ay ku rideen Todoba Sano oo Xadhiga Islaan Xabiiba Maxamed Cabdi oo 60 Jir ah

  • Khaladdaadka Xukun ee Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex(Hargaysa)
  • Haayaddaha baadhistu si dhameystiran umay sameyn, baadhe cabdi oo ka tirsan hayadda CIDda aqoontiisa baadhiseedna aad uu liidato isla markaasna xeer ilaalintuna kiis aan baadhistiisu dhameystirnayn ayey oogtay. Maxkammadduna waxay dhagaysatay, guda gashay kiis qabyo ah.
  • Maxkamaddu cadayn baadhitaan oo dhameystiran ha ahaato mid caafimaad iyo mid culimo ah(baab sixir) may sameyn, manay dalban.
  • Maxkamaddu may u sameyn qareen uu dooda eedaysanta(islaan xabiiba
  • Haddalo is khilaafsan oo is burinaya oo ay ku hadashay Raxam(dhibanta), maxkamadu umay fiirsan kiiskan oo ka dhigaya mid waxba kama jiraan ah. Madaamo uu ahaa sameys iyo wanjal.
  • Khaladka kale ee jiraa waa in ay xeer ilaalintu tidhi telephonka Raxam(dhibanta) ayey ku soo hadashay islaan xabiiba(eedaysanta). Isla markaana ciidankii qabanayey laguu soo hagay looguna yeedhay.
    Suuragalna ma noqon karto in qof wax aftduubay uu ku soo hadlo telephonka qofkuu uu afduubay hadday noqoto farsamo ahaan, aqoon ahaan iyo xeelad ahaan
    Ta badalkeed maxkamaddu may tix gelin hadalkii xabiiba ee ahaa inaanaynay wax qorin waxna akhriyin ee ahayd in dhibantu telephoonka garaacday oo islaanta afka uu saartay dabadeedna hadalka isugu toosisay oo ku tidhi lacag weydii madaxfurasho($50) ah hungurina gelisay inay kala qaybsadaan. Se caqligal ma tahay in mudaxfurasho loo weydiisto qof $50 oo aan xitaa la bixin.
  • Qofkii lahaa numberkii islaan xabiibi tidhi ku soo dir(isla markaana ay raxmi u yeedhisay numberka) lacagta looma yeedhin, waayo waxay ahayd in isaga laga weydiiyo inuu islaanta garanayo iyo inaanu garanayn maadaama islaanta xabiiiba lagu xidhiidhiyey.
    Ogow akhriste numberkaas waxaa islaanta u yeedhisay dhibanta(Raxma). Numberku waa 4421775 (Xuseen Cismaan Cabdi). isla markaana islaan xabiiba aaanay telephoonka u dhiibin islaanta. Maxkamadduna aanay weydiinin qofkay uu dhiibtay telephoonka siday u sheegtay raxmi maxkammadda.
  • Raxmi waxay tidhi ha la Waco axmed maxamed muuse (wiiil ay jaar yihiin oo labdooda guri isku dhegsan yihiin……laakiin aanay maxkamadu hubin inay labadooda guri isku dhegsan yihiin iyo in kale oo ahaydna been cad isla markaana sheegtay inuu shaqaale ka yahay haayadda care recordgareeyey codka islaanta) si looga bixiyo madax furashada. Haddaba waxaa is weydiin leh sababta raxmi(dhibanta) u la hadli weyday waalidkeeda ama qaraabadeeda dhow.
  • Wuxu axmed maxamed uu sheegay maxkamadda in nin uu ku sheegay sarkaal raxma uu la hadlay laba jeer. Loomana yeedhin ninkaas si loo hubiyo jiritaanka ninkaas.
  • Khaladka kale ee jiraa waa maxkamadda oo aan tegin goobtu falku ka dhacay oo kolba dhibantu meel ku sheegaysay isla markaasna axmed xirsi nuux oo dagan buurta kala jeexan oo ku qabtay baskoolad islaanta markaa nabaro gaadhsiiyey kana cabatay islaan xabiiba. Maxkamadu may cadayn in ninkan baskooladda sitay uu ahaa shicib hub sharci darro ah sitay iyo nin ciidan. waxaa kale oo khalad ahayd in islaan xabiiba markii la qabtay in dalladii ay xidhnayd in laga saaray isla markaasna lagu ciijiyey daladii iyadoo madax qaawan sawiro laga qaaday laguna baahiyey baraha bulshadda. lagana dhigayey qof sixiroole ah oo la qabtay.
  • Khaladka dareen la aaneed ama ka fiirsi la aaneed ee maxkamadda gobolku waxaa ka mid ah
    Waxay xeer ilaalintu ku soo oogtay dambi ah sida ku xusan eeda xaashida xeer ilaalinta haysasho qof sida ku xusan qodobka XCG 406 in la saaray raxma (dhibanta) gaadhi Noah ah oo way wateen laba nin lana geeyey goob shaybaadh laakiin aan xeer ilaalintu sheegin shaybaadhku ahaa ama dhisku ahaa
    Khaladka kale ee xeer ilaalintu gashay waxay ahay raxma(dhibanta) oo 20 jir inay ku sheegtay ilma yar wax kaxayn Karin.
    Mar maxkamaduu raxma weydiisay in gaadhi noah ah lagu qaaday waxay ku jaawaabtay. Waxaa laygu qaaday gaadhi Noah ah oo ay saarnaayeen laba nin iyo laba gabdhood lana geeyey guri ay joogaan laba nin iyo gabadh shaybaadhna ku sameeyeen, xagga raxma markay maxkamadu wax ka weydiisay tidhi laba hablood ayaa joogay hadal ah tiradda is dhaafsan ama kala duwan lagana soo xigtey markii baadhista markii maxkamadda tiro ka duwan ay sheegtay. waxaanay arrintani cadaynaysaa been abuurka kiiskan raxma oo dagan xero awr.
    Iyadoo Islaan xabiibi ay sheegtay inaanay gaadhi raacin ayna lugaynayeen kuna tidhi islaanta xabiiba waxaan ku gaynayaa meel raashin lagu qaybinayo caawimo ah.
    Haddaba hadaladda kala duwan ee xeer ilaalinta iyo raxma ka yimi ee tiradda dadka noah fuushan inay ku sheegeen tiro kala duwan may u sii fiirsan.

 

  • Khaladaadka Maxkamadda Rafcaanka
    Iyadoo ay tahay u jeedada rafcaanku in dib u eegis iyo sixid lagu sameeyo wixii goaamo khaldan ee ka soo baxo maxkamaddaha goboladda dalka.
    In si khiyaal ah ayidaada xukunkeeda ugu sheegtay fadhi furan iyadoo aanay jirin wax fadhi furan lagu dhagaystay. Dacwaddana lagu dhagaysay jeelka gabiley gudihiisa si qarsoodiya laakiin se aanay ku dhagaysan hoolalka maxkamadda gabiley.
    In haba yaraate mar labaad aan loo qaban qareen ka difaaca eedaha loo xanbaariyey ee sameyska ah laguna dhajiyey si fududna looga dhigay qof danbiile ah islaan xabiiba.
    Khaladka kale oo ah, in maxkamadda rafcaanku islaan xabiiba oo 60 jir ah waxna qorin waxna akhriyin islmarkaana dadkii maatida ee ka soo cararay qulqulatooyinka iyo colaadaha ka socday koonfurta Somalia soona biday nabaddda Somaliland mudo labaaatan sano ku dhawaad ku noolayd, ahaydna qof xoogsata ah oo xaafadaha dharka uu maydha halkaasna ka masruufi jirtey waxay ka hesho(shilimaadka yar) mararka qaarkoodna markay weydo cid ay dhar u dhaqdo ay weydiisan jirtey raashin qeedhin. Taasina waa ta dhaxal siisay in Raxma(dhibanta) ay weydiisato koob biriis ah oo qaydhin si ay ugu quudiso dadkeeda laakiin dhacdadan wanjalaadku ka raacday. Ogow akhriste in islaan xabiiba dadkeeda oo ah caruur yar oo midkood waalan yahay. Maxkamadda rafcaanka oo iska indho tirtay isla markaana indhaha ka la lisay khaladaadki hore ee xukunka maxkamadda gobolku ayey dabadeed xadgudub kale sii gashay ta rafcaanku oo ka baxsan banii aadanimadda. Xukunkaas maxkamadda gobolka oo ku taariikhaysnaa salaaso May-16-2017 MGH-DDL-245-2017 ee ku saxeexan yahay garsoore maxamed xuseen caraale ee maxkamadda gobolka hargaysa.
    Waxaa khalad ahayd in garsoore cabdi axmed xuseen (bosnia) oo ah garsoore maxkamadda rafcaanka in uu si indho la aan ah ku ayidho xukunkiii maxkamadda gobolka ee baadilka ahaa.
    Isagoo fudaydsaday garsoore bosnia shaqadda qaranka uga masuulka yahay isagoo xukunkiisii ayidaadu uu ahaa baadil kale kuna taariikhaysnaa 20-07-2017 MRGMJ-DlRL-17-2017
    Waxa iyana in loo fiirsado tahay qofka wax sixraya ama qafaalanaya noociisa, farsamadiisa iyo aqoontiisa. Laakiin qof miskiinadda oo ku jirta buul beebee ah oo kiro ah dadiisuna tahay 60 jir jaarkoodana la weydiin karo oo aan ahayn qof dhib la sheegto ahayn in dambi intaas leeg laga saaro dusha ma ahayn lana ihaaneeyo. Qaab cunsuriyad loola dhaqmo madaama ay ahayd qof reer baydhabood ah.
    Tani ma waxay ka turjumaysa cadaalad la aan iyo garsoor la aan ka jirta maxkamadda heena.
    Xilgudasho la aan, uu fiirsasho la aan garsoorayaasheena haysata miyaa oo aan la tixgalin qofkii looma ooyaan ah(cidna aanay daba socon).

 

  • Gunaanadkii
    Waxaan uu soo jeedi naynaa Gudoomiyaha Maxkamadda sare in dib uu eegis balaadhan lagu sameeyo habka dadka jeelasha, saldhigyadda loogu hayo iyo mudada dheer ee dadku iska xidhnaadaan xukun la aan ama xukunadda dhaca.
    Waxaa waajib ku ah in cidda masuuliyadda cadaalada haysaa inay qiimeeyaan xaaladda qofka eedaysanaha ah dhinac walba.
    Maxkamadda sare kiiska islaan xabiiba dib uu eegto iyadoon la fududeysan loona fiirsanayo si hoose lagana dhigin qof qariib ah. Waana in la tixgaliyaa xaquuqda qofeed.
    Waana xaqiiq in bulshadda caalamka ee arrimaha cadaaladda Somaliland ka taageeraa in indho furan oo gaara ku eegi doonaan.

 

  • N.B
    Akhrista sidee qof qof qafaashay uu uga garaaci karaa telepohonkii qofkii uu qafaashay muddo laba saacadood gudahood.
    In Gudoomiyaha maxkamadda sare uu kaashado dadka xogogaalka u ah dhacdooyinka noocan ah ee dalka ka dhaca.
    Xigasho
    Qofkii doonayaa inuu aad uu si bogto warbixin hore oo arrinta ku saabsan horena looga diyaariyey cinwaankeeduna yahay
    (Dhacdadii Xanuunka Badnayd iyo Jidhdilkii loo Gaystay Islaan Xabiiba)
    Qore: Baadhe Madax banana(Human Right) Bariga Africa Adam Deria Ismael

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker