Muuse Biixi Iyo Cabdiweli Gaas Oo U Kala Dheeraynaya La-kulanka Ra’iisal Wasaaraha   Itoobiya

Warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku wajahan yahay safar uu ku tago caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa si uu ula kulmo Ra’iisal Wasaaraha   Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa soo baxaya xogo hoose oo tibaaxaya in Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland uga horreeyo safarkaasi lana filayo in Madaxweyne Cabdiweli Gaas  uu qorshaynyo safar degdeg ah oo uu ku tago  magaalada Addis Ababa.

 

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa ka siyaasad duwan madaxdii hore ee Ethiopia, waxaana tan iyo markii xilkaasi loo doortay hab-dhaqankiisa siyaasadeed laga dheehan karaa sida aanu u xiisaynayn la macaamilka Maamul Goboleedyada dalkaasi Soomaaliya isaga oo la sheegay in uu awoodda saarayo sidii uu xidhiidh weyn ula yeelan lahaa dawladda Soomaaliya  balse waxaan wali la ogayn meeqaamka uu siin doono   Somaliland.

 

C/weli Gaas ayaa aad u daneynaaya la kulanka Ra’isul wasaare Abiy Axmed, waxa uuna qorshihiisa koowaad yahay inuu ka dalbado kawada shaqeynta amniga iyo howlaha kale ee ka hore uga dhaxeeyey maamulkiisa iyo dawladda Itoobiya halka uu sidoo kale awoodda saari doono sidii uu Somaliland uga dacweyn lahaa dalkaasi Itoobiya oo uu Itoobiya uga dalban lahaa in ay Somaliland cadaadis ku saarto sidii ay Somaliland ciidamadeeda dib uga soo qaadan lahayd deegaanka Tukaraq.

 

Cabdiweli Gaas oo hadda ku sugan magaalada Brussels ee Dalka Belgium, ayaa doonaya in halkaasi uga sii gudbo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu dhawaan safar rasmi ah ku tago waddanka Itoobiya isaga oo halkaasi kula kulmi doona Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ,  Ra’iisal Wasaaraha   Itoobiya Abiy Axmed , Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker