Baaq ku wajahan in khilaafka Tukaraq xalkiisu ka weynyahay ergo iyo shakhsiyaad iskood isku xilqaamay.

Dallada isku xidha Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE) ayaa waxay baaqan kooban idinkula wadaageysaa dareenka taban ee ay ka qabto ergadii dhowaan ka soo noqotey maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo sidey sheegeen iskood isku xilqaamay.

Dhowaan ayay aheyd markii ergo ka soo jeeda Somaliland oo isugu jirta madax-dhaqameed iyo ganacsato ay safar ku tageen magaalada Garowe si ay markaa wada-xaajood uga galaan sidii loo joojin lahaa dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland oo ka mid ah xukuumadda federaalka Soomaaliya. Dallada SSE baaqan kooban uguma ay talo gelin in ay kaga hadasho ama kaga faalooto natiijadii ka soo baxdey ergadaa safarka ku tagtey Garowe iyo waxyaabaha ay kala soo noqdeen. Dallada SSE waxay baaqan ku muujinaysaa sida ay uga xuntahay in arrimaha masiiriga ah ee dhidibada u ah Qaranka Somaliland inay madax dhaqameed ay degta ku qaataan oo ay yidhaahdaan wada-haddal ayaan u tagaynaa Puntland.
Taariikhda dhow waxaynu ka warhaynay in Dowladda Soomaaliya ay marar badan isku deyday in madax-dhaqameedyada labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya fursad loo siiyo inay ka wada hadli karaan arrimaha masiiriga ah ee u dhaxeeya labada waddan si loo helo isfahan iyo wadashaqeyn faa’iido u yeelata is dhexgalka iyo isku dhowaanashaha labada bulsho. Waxaad moodaa in hadda dhagartaasi iyo khiyaamadaasi ay muuqato oo la rabo in adduunka la tuso in shacabka mid yahay oo wixii khilaaf ah ay iyagu ku dhammaysayaan qaab ama hab dhaqan. Waxa kale oo aynu ka warhaynay markii xiisada Tukaraq ay bilaabantay in xukuumadda Soomaaliya ay in badan ku celcelinaysay in khilaafka cakiran ay xalkiisa galaan ama loo daayo madax-dhaqameedka si markaa meesha looga saaro sharciyada caalamiga ah ee xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya.

Dalladu waxay aaminsantahay in Khilaafka ka taagan xuduudu uu yahay arrin u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Ma aha xaajo ay geli karaan madax-dhaqameed ama ganacsato. Waa arrin xalkeeda iyo xaajadeeda loo igmadey oo keliya xukuumadda Somaliland sida dastuurka Somaliland ku cad. Danta dalka iyo dadka reer Somaliland ayaa ku jirta in la ilaaliyo hab maamuuska dowladnimo isla markaana laga dheeraado wax-kasta oo wax u dhimaya karaamada iyo xushmada arrimaheena masiiriga ah ee saameynta taban ku yeelanaya Qaranimadeena.
Gunaanad ahaan waxa aanu ka digeynaa in dagaalka Tukaraq iyo xasarada xuduudu ay tahay mid si toosa xidhiidh ula leh ama taabanaysa Qaranimadeena iyo weliba jiritaanka Somaliland. Ma aha in loo galo si aan waafaqsanayn qaabka iyo habka ku xusan dastuurka Somaliland oo ah ka ilaaliya Qaranimada Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaanu si xushmadi ku jirto uga codsanaynaa in fiiro gaar ah u yeelato arrimahan isla markaana ay uga qaado talaabada ku haboon si loo ilaaliyo in shakhsiyaad ay soohdimaha uga talaaban si aaan waafaqsanayn Dastuurkeena ama qaanuunka inoo qoran.

Alle ayaa mahad leh,

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:
Guddiga fulinta ee Dallada SSE
www.sseuro.com Tel:45 25 53 93 15

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker