Sacad Cali Shire Wasiirka Dilaalka ee Xaqul-Qalinka & Faysal Cali Waraabe oo noqdey

Somaliland maanta wxay ugu liidataa Caalamka Debeda & Gudahaba, cid ka
hadlaysa oo Baarlamaan & waxgarad leh toona ma jirto, waxa jira in Debedii
soo xidhantey oo Wasiirkii Debeda Sacad uu sito Shandad uu ku gurto Lacag &
boob uu u bixiyey maalgashi, oo Ictiraaf & waxtar aanu midna ka shaqaynin.
Tusaale, Hawadii Somaliya la wareegtey, ETOPIA, Safaaradii hoos ayey u dhigtey, Dhaqaalihii ayey omaliya ka xidhay, hadana wuxuu ku andacooda waa
kaa Sacad Dilaal ku meeraysanaya, Maalgashi.
Baasaaboorkii Somaliya ayuu Farmaajo usoo magaacabay Xafiis Hargeysa ku
yaal oo xaafada Buurta kaljeexan ee Xaafada Muuse ah, oo Baarlamaankii
cadeeyey iney jirto.
Hadaba, Wasiirka Dilaalka Sacad ee Shandad sita & Muuse Quful S/land debedii wey ka soo oodeen, waxa kale oo ceeb & fool xumo Shacabka S/land
ku noqotey in Faysal Cali waraabe oo afhayeenka Jeegaantii uu dhex fadhiyo
shir Maamul Goboleedyada & Farmaajo lagu casuumey uu dhex fadhiyo, oo
weliba sawirada Baraha Bulshada ka soo muuqdey isagoo uu soo dhawaynayo
Safiirka Somaliya u fadhiya Biljamku Fiqi.
Sidaas Darteed, Muuse Handaraab, Cabdi Weli Gaas dayo ayuu u direy, uu ku
yidhi isoo barya, Odayadii waa la soo eryey oo lagu yidhi Ciidamadiina ilaa aad’
Tukaraq kala baxdaan wada hadli mayno, ee sidii Muuse & Kulmiye beenta u
sheegi jirey been sheegeen, waanu ku soo guulaysanay,
Hawadii waa lala wareegay, Xajkii waa loo diidey inay S/Land ka tagaan, Dhaqaalihii debeda Farmaajo wuu ka soo xidhay, ETOPIA Safaaradeedi & meeq
aabkii S/Land hoos ayey ku dhigtey, Gudihii Kala qaybsaanaan & Garxajis oo
Buurta G/Labaax u baxay & beelihii kale oo isku raacay in Laba Reer oo Jeegaanta la baxay keligood oo Siilaanyo & Muusa ahi Wadanki iska haystaan oo Jawaab laga sugayo.
Hadaba, Muuse wey ku qufulantey Somaliland, oo waakaa Faysal Cali Waraabe
shirkii Biljamka ee Maamul Goboleedyada dhex fadhiya ee Farmaajo hogaamin
ayo ee uu ku andacoodey Faysal Teneg Ururo ayaanu nahay, Faysal Gudoomiye
isbi weeye, Wasiir Dabadeed maaha, hadana Maamul Goboleedyadii ayuu dhex fadhiya saw kolkaa Magaca Maamul Goboleed S/Land ah kumuu tegin
Muusana muu dirin, Shacabka S/Land haw jawaabn, Muuse Shaani & Faysal?.
Shacabka S/and Siilaanyo wuu ku handaraabay, Muusana Quful weyn ayuu ku
xidhay, Shacabka, waxgaradka oo Wadanka ka fura oo indha yeesha mooyee
cid furaysaa ma jirto Qufulkaasi.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker