Madaxweynaha Ruushka Oo Ku Hanjabay Inuu Qarxin Doono Sir Fool Xun Oo Uu Ka Hayo Madaxweyne Trump

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa wax “aad loogu qoslo” ku tilmaamay in dadka qaarkood u haystaan in dalkiisu saamayn karayey natiijada doorashadii madaxtinimada Maraykanka ee 2016-kii.

Waraysi uu siiyey Telefishanka Fox News ee Maraykanka shir madaxeedkii Isniintii ka dib, ayaa waxa Putin ku dooday in dalkiisu aanu lahayn karti uu kula falgali karayey ololihii madaxtinimada ee Trump ku jiray.

 

Waxa kale oo uu beeniyey in uu hayo xog “wax u dhimi karta sumcadda” madaxweynaha Maraykanka ama qoyskiisa.

Putin waxa uu sheegay in aanay haboonayn in xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanku u xayirmo khilaafka siyaasadeed ee gudaha Maraykanka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker