Wadanka Eritrea oo dib u furtay safaaradeedii Dalka Ethiopia.

 

 

Eritrea ayaa dib u furtay safaaraddeedii Ethiopia. Dib u furista safaaradda ee maanta ayaa timid toddobaad kadib markii labada dal ay ku dhawaaqeen inay soo afjareen labaatan sano oo is-marin waa milatari uu ka taagnaa xudduudda, kaasi oo kumanaan qof ay ku dhinteen.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki u gacan geliyey furayaasha safaaradda oo ku taalla badhtamaha magaalada Addis-Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Furitaanka safaaradda ayaa soo geba gebeysay booqasho saddex maalmood qaadatay oo uu Afwerki ku joogay Ethiopia.

Kumanaan qof ayaa ku dabaal-degay Addis-Ababa axaddii, iyada oo Abiy iyo Isais ay ka qeyb galeen xafladda nabadda laba dal ee horey cadowga isugu ahaa.

Isais ayaa dadka Ethiopia u sheegay “naceybkii, faquuqii iyo shirqooladii iminka way dhammaadeen”, isagoo intaas ku daray inay diyaar u yihiin inay horey ugu dhaqaaqaan iyaga oo mid ah, islamarkaana cidna aysan ka xadi karin jaceylka ay heleen.

Abiy ayaa isna yidhi “Is-cafisku wuxuu xoreeyaa qalbiyada, marka aan leenahay dib ayaan u heshiinay, waxaan ula jeednaa waxaan dooranay waddadii is-cafinta iyo jaceylka.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker