Somaliland Laba Reer oo Jeegaan la baxay ayaa sidii Hagbad isku wareejiyey, oo qaatey ee adna qaado, oo Siilaanyo & Muuse kursigii ….

Somaliland Beelaha wuxuu ku heshiiyeen, inay maamul wada dhistaan, Dastu-
ur wada dhistaan, tii waxa ka baxay labada Reerood oo Daalinkii Siilaanyo uu
ka dhigey Gaashaanbuur ay laba Reer iska leeyihiin, oo Laba Reer sidii Hagbad
isa siiyaan, oo Xisbihii Kulmiye uu af duubay Muuse oo Hagbada Kulmiye ku
galeen, kolkii dambana Codkii Shacabka ee isbedelka doonkaa uu xoog,
awood, Ciidan & xaaraan & xaqdaro ugu boobay Muuse Shaani oo Kursigii
loogu cumaamadey xaqdaro.
waxa jirtey in odayaal cunfi & Cuqdadi ka buuxdaa Gacmaha is dhaafsadeen
Hagbad Laba Reer oo H/Jeclo & H/Awal ah inay Kursiga S/Land oo dhan dhex
u ah ay iygu isa siiyeen, oo kolkii hore Siilaanyo gacantiisi qaatey oo la saarey
imikana xiligii Hagbada Muuse taagan tahay oo la saaro.
Hadaba, Diinteena & Axaadiistu ina fartey wixii Umad Islaami ku heshiisey in
sideedii ku fusho, Rasuulku SCW, Gaaladii wuxuu kula heshiiyey, ayuu ku celiy-
ey asxaabtiisii Gaalada ka soo baxsadey, oo ahaa Cidii asxaabta idinka soo car-
arta inaan idiin soo celiyo, waayo heshiiskii uu gaalada la galay inuu u jebiyo
asxaabi Muslin oo ka soo carary ayuu diidey.
Sidaas Darteed, Somaliland wixii ay ku heshiisey Siilaanyo & Muuse ayaa jebiyey oo Kursigii isku boobey, Dhaqaalihii, Hay,adihii, qandaraasyadii,
Wasaaradihii, wixii umada ka dhaxeeyey ee lagu heshiiyey, oo weliba aan
Umadii wax ku heshiisey kala xishoon, Dastuurkii tix gelin, oo weliba ku and-
acoodey Jeegaan & Laba Reer.
Siilaanyo sidii ayuu magac xumo kaga tegey adankii & Kursigi, waanaa kaa
xaaraantii & Dulmigii Dubai ku jaqaya, Ilaahay hortii Aakhirna wey sugaysaa.
Muuse Biixina waataa Dulmigii meel kastaa ku soo xidhatey, Daarood ka baxay
maamulkiisii, Garxajis waakaa Muuse & Jeegaantiisa diidan, Samaroon & Beelihii, Arab, Gabooye, Ayuub cid rabtaa Taliska Jeegaanta ma jirto.
Kolkaa Muuse Quful oo meel kastaa ku soo xidhatey, Hawadii lagala wareegay
Xajkii Xamar laga soo amrayo, Dhaqaalihii Debeda laga soo xidhay, meel kasta
ku soo xidhantey, ayuu sii go,ay, oo isku xidhay Xaafadland, oo Gudi uu magac-
aabay oo uu xuquuqal insaanka ku magacaabay ay Jeegaantii keligood iska soo
xuleen, waa Muuse, Saleebaan Gaal & Gudoomiyaha Maxkamada Aadan X.Cali
iyaguun soo urursadeen, waxaasa cadaalada Muuse Shaani & Jeegaanland.
doorashadii Baarlamaanka waa kuwaa Reer Awdalna qaadacay, Muuse Quful
magac bilaash ma baxo.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker