Raysal-wasaaraha Ethiopia Ayaa digniin u diray Soomaalida iyo Oromada ku dagaalamaya Mooyaale iyo Nageyle.

Adis-ababa-(OWN)-Ra’isalwasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa farriin u diray Qowmiyadaha Oromada iyo Sooomaalida ee ku dagaallamaya Magaalooyinka Mooyaale iyo Nageyle.

Abiy Axmed ayaa Saraakiisha Milatariga iyo Booliska Federaalka amar ku siiyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u farageliyaan islamarkaana ilaaliyaan nabadda degaanka.

Waxaa uu u hanjabay kuwo uu sheegay in ay nabadda liddi ku yihiin oo hurinaya colaadda sida uu sheegay.

Waxaa kale oo uu sidoo kale digniin adag u diray kuw Doollarka ku heysta Magaalada Adis ababa isaga oo xusay in lala xisaabtamayo.

Bilihii la soo dhaafay waxaa magaalooyinka Mooyaale iyo Nageyle ku dagaallamayay Qabiillo u kala dhashay Oromada iyo Soomaalida wada dega,waxaana ay iska dileen boqolaal qof iyada oo kumanaan kalena ay ku barakaceen.

Oromada ayaa lagu eedeynayaa in ay ka faa’ideysanayaan awoodda cusub ee gacantooda gashay iyo in jabhadda OLF laga saaray liiska argagixisada.

DAGAALADA UDHEXEEYA OROMADA IYO SOOMAALIDA  ETHIOPIA KALA SOCO (OODWAYNE NEWS)

Image result for OROMO

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker