EX. Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo Si Heer Sare ah u Soo Bandhigtay Waxa Ay Ku Aragtay Dalkii oo Ay Safar Ku Joogto

Isbarbarbar dhiga isbadelada dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee wadanka ka dhacay.
Aan qaybo yar oo qalin ma kooban ah ku xuso sooyaalka taariikhkeed aan dib u jaleeco una miliilico dhawr arrimood oon insha qac ku siiyay maalmahan.

 

1 waxaad arkaysa gabadh dada cimrigeeduna u dhaxeeyo 18 jir ila 30 sano oo suuqa ama faras magaalaha iyo xaafadaha dhexdoodana ka dawrarsanaysa iyadoo lammaan ama caruur wadata una socda raxan raxan. Barigii hore ma uusan jiri jirin hab_dhaqankaasi way yareyd inaad aragto gabadh dawarsanaysa oo waliba caruur wadata ood moodo midba miday ka itaal wayneyd in ay u soo baxeen.

 

2 xilliyadii hore lama arki jirin xoolo suuqa dhex socda sida Riyo ama LO inta la soo daayo magaalada saqaafa iyagoo markaa quudanaya qashinka iyo bacaha yaala meelaha qashinka ah. Halka barigii hore ay jiri jireen in xoolaha gaar ahaan RIYAHA la foofin jiray oo aan lagu arki jirin suuqyada. Waliba waxa jiray dad raaca oo subaxdii ka xeeya galabtiina soo celiya.

 

3 waxaad arki jirtay meel caws lagu iibiyo. Cawskaas oo la siin jiray RIYAHA si looga maalo caano caafimaad qaba, neefkuna uu ku tamariyo kuna naaxo. Balse hadda waxaad arkaysayaa GARAABO ama jaadka hadhaagiisa aan la cunin iyo hambooyinka xaafadaha oo la siinayo adhigii,taasina waxay keentay markaad u fiirsato in qaadkii si dadban uu sameyn ugu yeeshay noloshii guriga gaar ahaan dadka waaweyn iyo caruurta cabaya ama cadeyska looga dhigayo canaahaas laga maalay neefka la siiyay garaabada.

 

4 barigii hore lama arki jirin hablo ubaxyo ah oo suuqa meherado shaah ku haysta gaar ahaan buulal yaryar oo sarajoog toosa loo istaagi karo balse ay fadhiisanayaan intaas oo qof sigaar lagu dhex cabayo lagu saamaleelayo. Taas oon markaan u kuur galay ama dad badan waydiiyay la ii sheegay in ay saameyn ku yeelatay arrintani 2 arrimood waata kowaade waxa la waayay ama adkaaday helitaanka gabdhihii sida Xaragada leh muruqa u maali jiray ee guryaha ka shaqayn jiray .waaxaanay ka doorbideen inay maqaaxi shido. Waa ta labaade waxay keentay guur aan cilmi ku fadhiyin oo dagdega calafka alaa hayee. Guurkaas oo ku danbeeya in gabadhii iyadoon aad u waynaan caruur dhasho dabadeed u yimaado kala tag degdega oo halkaa iyadoo maqaaxidii shidaysa ku taalaay buulka yari noqoto hooyo la eedadeysa ubad korniin iyo kaale u baahan.

 

 

Haddaba isku soo wada duub ama maan guuriyo Qodobada isbadel ee nolosha ku dhacay meeye ama miyaan loo hayn siyaasad cad oo lagu jiheeyo oo ka soo baxda dawlada guud ahaan. Gaar ahaana sidan 1 wasaarada arrimaha bulshada 2 wasaarada caafimaadka 3 wasaarada deeganka 4 wasaarada dhaqanka iyo wacyigalinta 5 wasaarada diinta iyo awqaafta

Ex. Xildhibaan Ifraax Cali Kirix

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker